”Somaliland waxaa horyaalla IMTIXAAN” – Go’aanno laga dayriyey & arrin dileeysa sumcadda maamulkaasi oo taagan

0

(Hargaysa) 04 Agoosto 2020 – Arinta Astaan TV waa imtaxaan Somaliland horyaal’a!

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa aad u dhaliilay xarigga loo gaystey milkiilaha Astaan TV oo muddo si sharci darro ah ugu xabbisan Hargaysa, tiiyoo aan wax maxkamad ah weli lasoo taagin amaba xitaa la faahfaahin sababta xariggiisa.

”Baahida ugu wayn ee Somaliland maanta qabtaa waa inay hesho maalgashi. Qofkasta oo wadankan maal-gashadaa wuxuu shaqo u abuurayaa muwadiniin reer Somaliland ah. Wuxuu bixinayaa cashuur. Wuxuu wax ku kordhinayaa wareega dhaqaalaha,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabd.

”Wadan inaga oo kale ah waxaa ku waajiba inay si fiican u soo dhaweeyaan qof kasta oo maal gashi la yimaada tiiyo shuruucda la raacaayo.

”Maaha in marka la arko ganacsi qof leeyahay oo si fiican u shaqaynaaya la damaaciyo oo la yidhaa waa inaan ka qaadanaa tiiyoo awooda dawladinimo si guracan loogu adeegsanaayo. Yaan dalqada iyo hungiriga waxa la arkine arimaha caqli iyo xikmad ha lagu daro.

”Waajib ayaa xukumada ka saaran inay dhawrto xuquuqda dadka dalkan maal- gashanayaa iyo sumcada Somaliland ee maalgashigaba.” ayuu kusoo afjaray.

War Saxaafadeed rasmi ah oo uu 24-kii bishii Luulyo soo saaray Axmed Maxamed Jaamac, ayaa wuxuu ku sheegay war rumaynaya war horay loo hadal hayey oo ahaa in Agaasimaha Guud ee Astaan Cable, Cabdimannaan Yuusuf Maxamed, loo xirey arrin ku saabsan saami khasab ah oo laga rabo Astaan Cable oo ah TV Muqdisho lagu aasaasay.

Wuxuu sheegay in Cabdimannaan culays lagu saaray inuu baabi’iyo saamiga Jaamac, si sharikadda looga dhigo mid ay 100% koonfurtu leedahay ”kaddibna xooleheeda loo dhoco”, sida uu yiri Jaamac.

Hadalsame Media