Pakistan oo taangiyo is wada geeysey xadka ay Hindiya la wadaagto (Hindiya oo walaac ka muujisay & awoodda tawaangidan)

0

(Islamabad) 02 Agoosto 2020 – Ciidamada Lugta Pakistan ayaa la sheegayaa inay xadka ay Hindiya la wadaagaan dhigeen taangiyo fara badan oo ah kuwa is wada (UGVs).

Tawaangidan yar yar oo u dhigma kuwa uu Ruushku farsameeyo ee Platform-M, ayaa meel fog laga hagayaa isagoo ku hubaysan qoryaha bambaanooyinka laga gano sida RPG-26, qoriga daran doorriga u dhaca ee 7.62 MM iyo qoryaha Kalashnikov.

Taangigan oo ay gawaaridu qaadan karaan, wuxuu ku socon karaa xawaare dhan 25 km/saacaddii, wuxuuna gaari karaa masaafo uu gacankeedu dhan yahay 16 KM iyadoo lagula soconayo tiknolojiyadda LOS (line of sight).

Waxay ciidanka ka caawin karaan xog ururinta, helitaanka iyo burburinta bartilmaameedyada deggan, rasaas daabulidda, roondada iyo ilaalinta xeryaha.

Wuxuu leeyahay elektaroonigga wax lagu arko iyo raadiyo sirdoon isagoo habeenkii howlgeli kara iyada oo aan la arag. Hindiya ayaa arrintan walaac ka muujisay.

Hadalsame Media