Madaxweyne Biixi ma Hantiwadaaggii laga guurey buu dib ugu guryo noqday? (Tillaabooyin halis ah)

0
(Hadalsame) 02 Agoosto 2020 – Nidaamkii fashilmay ee Hantiwadaagga waxa lagu yaqaanay dawlad ganacsata oo meherado ganacsi oo guud (public enterprises) leh, sharciyada ganacsiga oo ay ku jiraan ascaarta alaabtuna iyadu dejisa. Taasi waxay horseeday musuqmaasuq baahsan iyo fadhiidnimo. Ugu dambayntii haydahaa ganacsi waxay la degeen dhaqaaalhii dalka maadama ay khasab noqotay in sannad walba kab miisaaniyadeed loo sameeyo, halkii haddii ay gacanta dadka ku jiri lahaayeen ay canshuur badan soo xareyn lahaayeen.. Waddamadii tuuray nidaamkii hnatiwadaaggu waxay markiiba bilaabeen privatization ay haydihii ganacsi ee dalwadda ku wareejiyaan qaybat gaarka loo leeyhay taasoo dardar gelisay koboc dhaqaale oo xooggan.

Xisbiga Kulmiye waxa xuddun u ahayd siyaasadiisa dhaqaalaha u ahayd dhiirigelinta iyo kobcinta ganacsiga gaarka (private sector), lagana ilaaliyo sharciyada badan ee xannibi kara kobiciisa. Iyadaa taa laga duuliyo, waxa markii xisbiga Kuliye la doortayba uu bilaabay privatizationka haydahii ganacsi ee dawladiihii hore lahaayeen kuwaas oo qaarkood ay fadhiyeen iyadoo markiiba dalka laga dareeamy kor iu kac dhaqaalae iyo koboc miisanayadeed.

Intii uu madaxweyne Muse Biixi talada dalka qabtay waxay u eegtahay in dib loogu noqday hantiwadaaggii shaqayn waayey. Waxay dawladdu bilowday nationalization ay dunida ugu dambeysay soddon sano ka hor. Waxa dib loo qarameeyey haamihii shidaalka, Hargiesa club, daabacaadii documentsyada qaar. Wiigan ugu dambeeyey waxa la nationalise gareeyey warshadiihii laydhka ee Berbera iyo Hargeysa iyo weliba kaaga sii darane kaalin shidaal.

Waxa kaloo iska daba yimi sharciyo iyo wareegtooyin caqabad ku ah ganacsiga xorta ah oo ay ugu dambeeysey wareegto uu dhowaan wasiirka ganacsigu soo saaray oo ku amrayo shirkadaha soo dejiya shidaalku inay marka hore isaga ruqsad shidaal soo dejin ah ka qaataan. Waa aniga isoo sallaama oon geed loogu soo gaban.

Ma cadda in xisbiga Kulmiye siyaasadisii dhaqaalaha beddelay iyo in madaxweynaha ama qaar ka mid ah la taliyeyaashiisu ay weli garan la’ yihiin in nidaamkii ganacsi ee dawladdu hagaysay waa hore dunidu ka guurtay. Ethiopia ayaa hadda privatize garaynaysa Ethiopian Airlines iyo telecom. Marar badan ayaad arkaysaa dad TVyada ka hadlaya oo leh waxaas iyo waxaas waa in gacanta dawladda lagu soo celiyaa (nationalization). Markaad dadkaasi u sii dhabo gashona waxaad ogaanaysaa inay yhiin dad aad u da’ weyn oo intooda badani wax ku soo barteen waddamadii Hantiwadaag ahaa halka kuwo kalena ay dawladba ka arkeen nidaamkii Somaliya ka jiray ee dawladdu wax walba gacanta ku haysay. Mana aha wax lala yaabo inay sidaa u hadlaan maadaama waxa keli ah ee ay garanayaan uu yahay nidaamkaas burburay.

Waxase wax lala yaabo ah dawlad xilligan la joogo dib ugu noqonaysa nidaam fishilmay oo burbur laga dhaxlay Haddii sidan laguu sii wado waxay horseedi doontaa ganacsiga gaarka ah oo hoos u dhaca iyo dhaqaale burbur daba socda. Durba waad dareemaysaa in ganacsigii gaarka ahaa hoos u sii socdo, miisaanayaddii dawladuna sii yaraanayso.

Madaxweyne Muse Biixi waxa la gudboon inuu arrintan ku baraarugo. Madaxweynuhu inkastoo aanu ahayn dhaqaaleyahan haddana waxa looga baahan yahay inuu yaqiinsado isbedelka dunida ka dhacay dibna ugu noqdo siyaasaddi dhaqaalle ee Kulmiye ee lagu doortay. Marka xigtana waa inuu bedelaa la taliyeyaashiisan u badan nimanka hawlgabka ah ee maskaxdu gudhay kuna beddelaa dhallinyaro la jaanqaadi karta nidaamka cusub ee dhaqaalaha dunida. Wasaarada ganacsiguna waa inay isku koobtaa dejinta siyaasad dhiiri gelinaysaa ganacsiga xorta ah, kana waantowdaa faragelin kasta oo caqabad ku noqon karta geeddi socodkiisa. Qofka ganacsada ahi isagaa yaqaana sida iyo goorta uu ganacsigiisu macaashka samayn karo, maaha inay dawladu u sheegto.

W/Q: Abokor Baaruud

Mail: Baruda2006@gmail.com

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qofka ku saxiixan

Hadalsame Media