Imaaraadka oo si hordhac ah u furay wershad nukliyeer oo Carbeed middii ”ugu horreeysey”

0

(Abuu Dabeey) 02 Agoosto 2020 – Imaaraadka Carabta ayaa si hordhac ah u furtay howlaha qaybo ka mid ah wershaddii ugu horreeysey ee soo saarta awoodda nukliyeerka, sida ay faafisay Reuters oo xiganaysa hay’adda Tamarta Nukliyeerka dalkaas ee ENEC.

Wershadda Nukliyeerka Barakah oo ku taalla caasimadda Abuu Dabeey gaar ahaan gobolka Al Dhafrah, waxaa dhistay sharikadda Korea Electric Power Corporation (KEPCO). Wershadda oo lagu wadey in la furo 2017-kii ayaa waxaa dib u dhacay arrimo badan oo dhanka farsamada ah.

Maamulaha Dubai, Sheikh Mohammed bin Rashid al-Maktoum, ayaa Twitter kusoo qoray in shidaalka nukliyeerka markii ugu horreeyey lagu shubay afar waaxood oo ka mid wax uu ku sheegay “wershad nukliyeer oo madani ah middii ugu horreeysey dunida Carabta.”

Hay’adda Nukliyeerka heer Federaal (FANR), oo shati shaqo wershaddan u samaysay bishii Febraayo, ayaa sheegtay in Nawah ay buuxisey dhamaanba shuruudihii laga doonayey kaddib markii la eegay badbaadada iyo amaanka.

Marka ay ugu dambayn u shaqayso, waxay Barakah leedahay afar fal-curiye oo leh mug dhan 5,600 megawatts (MW), balse Imaaraadku ma sheegin inta ay ugu dambayn qorshaynayaan.

Hadalsame Media