”Xukuumad aan haysanin kalsoonida Golaha Shacabku waxba ma magacaabi karto!” – Xisbi soo bandhigay qodobbo Dastuuri ah oo la jebiyey

0

(Muqdisho) 01 Agoosto 2020 – Waxaa taagnayd dood ku aaddan sida ay u shaqaynayaan Gole Wasiir oo ku jirey Xukuumaddii ”kalsoonida lagala noqday”, sidii la sheegay Sabtigii tegey.

Waxa ay arrintu kasii dartay markii ay soo saareen wax ay ku sheegeen magaacista hay’ado kala geddisan, taasoo  sharci darro kale lagu tilmaamay, sida ay qabaan ururro iyo ashkhaas uu ka mid yahay Xisbiga Wadajir.

War Saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Xisbigaasi ayaa lagu sheegay inay marka horeba tahay inay meesha ka wada baxaan Wasiirradii RW Hore ee Khayrre, sida ku cad Qodobka 97-aad, faqraddiisa 4-aad.

Xisbiga ayaa sheegay in sidoo kale lagu tuntay sharciga markii ay magacaabeen 5 xubnood oo ka tirsan, tiiyoo ay kaliya leedahay Xukuumad haysata kalsoonida Golaha Shacabka oo iyaduna soo jeedin karta 3 xubnood oo sumcad ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed, sida uu qabo Qodobka 97-aad A iyo faqradaha ka hooseeya.

Halkan ka akhri….

Hadalsame Media