”Waan mamnuucayaa!” – Trump oo ku dhawaaqay waqtiga uu xirayo aaladda TIK TOK (Waa goorma?)

0

(Washington, DC) 01 Agoosto 2020 – MW Donald Trump ayaa Jimcihii shalay ahayd sheegay in uu isla maanta oo Sabti ah wareegto ku xiri karo camaaliqada baraha bulshada ee uu Shiinuhu leeyahay ee TikTok, sida uu faafiyey hilinka NBC.

Trump ayaa warkan warfidiyeenka u sheegay mar uu la hadlayey isaga oo saaran dayuuradda Madaxwaynaha ee Air Force One oo uu Washington DC ku laabanayey isagoo ka yimi gobolka Florida ee koonfur bari dhaca.

“Marka ay timaado TikTok waa ka mamnuucaynaa Maraykanka. Awooddaasna waan leeyahay oo waxaan adeegsan karaa amar fulineed,” ayuu ku faanay Trump.

Afhayeen u hadlay TikTok ayaa isla NBC News u sheegay in app-koodu uu Maraykanka ka abuuray ilaa 1,000 shaqo, isla markaana ay raacaan xeerka khusuusiyaadka Maraykanka, isla markaana uu jiro sanduuq $1 bilyan ku bixiya dhiirri gelinta dadka wax hindise ee ka shaqeeya dhanka arrimaha dhijitaalka.

Maraykanka iyo dalal kale oo Galbeedka ah ayaa Tik Tok ku eedeeynaya inuu u basaaso nidaamka Beijing, halka ay dalal kale ku neceen anshax xumada ku dhex faafaysa.

Hadalsame Media