SOMALIA: Jaadku maku jiraa duullimaadyada caalamiga ah ee Isniinta la fasaxayo?

0

(Muqdisho) 01 Agoosto 2020 – DF Somalia ayaa ku dhawaaqday inay markale dib u fasaxayso duulimaadyadii dibedda laga bilaabo marka la gaaro sedaxda bishan Agoosto.

Haddaba waxaa la is waydiinayey in diyaaradaha la fasaxay ay ku jiraan kuwa Jaadka keenta iyo in kale. Waa tan jawaabtu:

“Waxaan idin ogaysiinaynaa qaadista xayiraadda duullimaadyada caalamiga ah ee rakaabka qaada ee yimaada dalka marka la gaaro 3-da Agoosto 2020 saacaddu marka ay tahay 1-da Duhurnimo GMT,” ayaa uu u qoran yahay war kasoo baxay hay’adda Duulista Rayidka SCAA.

”Xayiraaddan la khafiifiyey ma khuseeynayso duullimaadyada jaadka Miiroowga, maadaama ogaysiis cireed kale (NOTAM) laga soo saari doono arrintan.” ayaa la daba dhigay.

Kenya ayaa dhowr mar isku dayday inay kusoo xad-gudubto hawada Somalia intii uu Jaadku xirnaa iyadoo qaab khiyaano ah alaabo iyo xitaa dawooyin ugu dhex qarinaysa Jaadka.

Hadalsame Media