SAWIRRO: Iibsiga funaanadda cusub ee AC Milan oo mar qura kacaya 1700% (Laacibiinta lambarkoodu iibsami ogyahay)

0

(Milano) 01 Agoosto 2020 – Waxaa mar qura cirka isku shareeray iibsiga maaliyadda cusub ee kooxda AC Milan oo aanay xitaa weli ku ciyaarin kooxdaasi, waloow ay maanta ku ciyaari doonto kulanka Cagliari ee xiritaanka ah.

Maaliyadda cusub ee Rossoneri oo ay si xirfadaysan u naqshadaysay sharikadda PUMA ayaa mar qura kacday + 1700% marka loo eego sanadkii tegey ee 2019-ka.

Waxaa la sheegay in 2 maalmood oo qura la iibiyey intii sanadkii tegey la iibiyey 3 todobaad ama bil ku dhowaad.

Lambarrada ugu badan ee gadmaya waa midka 21-aad ee Zlatan Ibrahimovic waxaana ku xiga midka 19-aad ee Theo Hernandez. Waxaa sidoo kale aad loo dalbanayaa funaanadda goolwale Gigio Donnarumma ee 99-aad.

99 waa sanadkii uu dhashay qabtaha kooxda AC Milan. Milan ayaa aad ugu baahan dhanka funaanad iibinta oo ay ka dansanayd sanadihii tegey.

Hadalsame Media