Puntland oo 22 jirsatey & 5 qodob oo aan hadda jirin balse jeclahay inaan goobjoog u noqdo

0

(Hadalsame) 01 Agoosto 2020 – Hambalyo Shacabka iyo Dowlad-goboleedka Puntland 22 sano jirsatay, waana dhaxalkii Waalidkeen oo garowsaday qiimaha ay leedahay Nabadda & daganaanshaha.

Waxaan rajeynayaa in aan goobjooge u noqdo, kana wada shaqeyno:

1. Puntland, ka gudubtay nidaamka qabaliga ah ee wax lagu doorto (66-da cod-bixiye).

2. Puntland aan qofna fikirkiisa siyaasiga ah lagu dhibaateyneyn, xorna u yahay ilaa xadka sharcigu siinayo.

3. Puntland, Soomaali-weyn dhexda uga jirta oo midnimada kubaraartay.

4. Puntland ubad kasta oo waxbarasho gaaray uu helaa Amni, Caafimaad, Waxbarasho iyo dhammaan adeegyada muwaadinka.

5. Puntland aanu Canshuur-bixiyuhu welwel ka qabin lacagta laga qaadayaa in jeebka shaqsiyaad gaar ah ay galayso, uuna kubixiyo kalsooni.

Waxaa Qoray: Faarax Cabdulqaadir Maxamed

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media