ARSENAL VS CHELSEA: Shaxda & safafka ay fiidkan kusoo geli karaan (FA Cup Final)

0

(London) 01 Agoosto 2020 – Waxaa fiidkii foolka isku diiraya labada macallin ee dhowaan galka ah ee  Mikel Arteta iyo Frank Lampard oo isku fara saaraya Wembley Stadium, jeer uu midkoodba ku tala jiro inuu janjalka ku dhego koobkiisii ugu horreeyey.

Kooxaha reer London ee Gunners iyo Blues ayaa isku helaya dhamaadka FA Cup iyadoo uu ay midiba doonayso inuu midabkeedu noqdo midka xukuma magaalada wayn ee London; Casaan ama Buluug.

Dhanka Arsenal: Mikel Arteta ayaa doonaya inuu dib usoo celiyo caqliyaddii guuleed ee kooxda Gunners oo u muuqata mid sanadihii dambe god dheer lagu uubateeyey.

Kabtankii hore ee Arsenal, Cesc Fabregas, oo sidoo kale Chelsea usoo dheeley, ayaa mar uu ciyaartan ka hadlay xitaa ka hiilliyey kooxdiisii hore, isagoo guusha u saadiyey buluuglayaasha. ”Arsenal weli wax baa u dhiman.” ayuu ku dooday.

Dhanka Chelsea: Lampard ayaa la oran karaa guul buu ugu dhamaaday fasal-ciyaareedkiisii 1-aad ee Chelsea, kaddib markii uu xaqiijiyey usoo bixitaanka Champions League, haatanna wuxuu doonayaa inuu koob qaado.

Wuxuu noqon karaa koobkii 17-aad ee wayn ee ay Chelsea qaaddo waayaha milkiilaha Roman Abramovich oo kooxda iibsadey 2003-dii.

SAFAFKA LAGA YAABO EE LABADA NAADI:

Hadalsame Media