Hindise sharci oo ay keentay Ilhaan Cumar oo ay dad badani diideen (Taageerayaasha Xisbiga Dimoqraadiga oo ku jira & jawaabaha)

0

(Washington, DC) 30 Luulyo 2020 – Xildhibaannadda Ilhaan Cumar ayaa Twitter-ka looga jeex jeexay kaddib markii ay keentay hindise ah in booliiska iskuullada ilaaliya lagu bedelo dadka ilaaliya meelaha lagu hayo dadka qaba cudurka dhimirka, taasoo ay dadku ku tilmaameen mid amaanka ardayda uga sii daraysa.

Ilhaan ayaa soo tweet garaysay in “Booliiska laga badiyey iskuulladu aanu amaan keenayne – uu dembiileyaal ka dhigayo dadka madoow.” Waxaana hindisahaa sharci oo la gudbiyey ku wehliyey Ayanna Pressley, Senators Elizabeth Warren iyo Chris Murphy.

Dadka qaar ayaa aragtidan u guuxey, ha yeeshee, dad badan ayaa ka hor yimid aragtida ah in iskuullada amaankooda lagu aamino xirfadleeyda ilaaliya goobaha cudurrada dhimirka.

“Hey, anigu waxaan Dimoqraaddi, balse in booliiska laga qaado iskuullada waa khalad. Waa inaan dareemaa inay jirto dhowraarin ay carruurteennu haystaan,” ayuu qof soo qoray.

Dadka qaar ayaa soo jeediyey in xirfadleeyda lasoo kordhiyo, balse ay Booliisku sidoodii usii joogaan. ”Maxaad samaynaysaa haddii xirfadleeyda dhimirka la toorriyeeyo?” ayuu mid waydiiyey.

Hadalsame Media