DHEGEYSO: ”Dad baa xitaa la maxkamadayn karaa!” – Maxay ku dhaqaaqi kartaa Beesha Caalamku haddii ay DF mowqifkeeda ku adkaysato?

0

(Oslo) 30 Luulyo 2020 – Beesha Caalamka ee taageerta Soomaaliya ay soo saareen Warsaxaafadeed ay ku muujiyeen, walaaca ay ka qabaan go’aankii Baarlamanka Soomaaliya uu xilka uga qaaday Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, iyo sida looga baahan yahay heshiis siyaasadeed oo laga gaaro nooca doorasho ee dalka ka qabsoomaysa sanadka 2020-ka.

“Isku-day kasta oo ka yimaada hal dhinac oo ka mid ah saamilleyda oo isku daya inuu keligiis dadka kale ku qasbo noocyo doorasho wuxuu noqon doonaa mid aan sharciyad lahayn lamana dhaqangelin karo haddii uusan helin taageerada lagama maarmaanka ah ee saamilleyda kale,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Kaddib waxaa arrintaa jawaab ka bixisay DF Somalia oo sheegtay in ay ”Somalia tahay dal madax bannaan” isla markaana war digniinba u ekaa u dirtay dhanka Beesha Caalamka oo iyadu bixisa biilasha ay wax ku kala socaan iyo mishinka AMISOM ee nabad ilaalinta ah.

”Runtii taasi ma ay caawinayso dowladnimada Somalia iyo dhisideeda, waayo Beesha Caalamku waxay sheegeen inaysan marna aqbali doonin doorasho lagu wada heshiis yahay oo waqtigeedii ku dhacda wax aan ahayn,” ayuu yiri Dr. Maxamed Xuseen Gaas oo Jaamacadda Oslo ee dalka Norway ka dhiga Xiriirka Caalamiga iyo siyaasadda oo waraysi siinayey VOA.

Haddaba, maxay Beesha Caalamku yeelayaan haddii ay DF Somalia ay ku adkaysato go’aankeeda u gaarka ah?

”Bulshada caalamku dhinacyo badan bay ka taageertaa soo noqoshada dowladnimada Somalia, waxay joojin karaan taageeradooda. Waxaa kale oo War Saxaafadeedka Maraykanka ku cad inay dadka qaar u aqoonsanayaan qas wadayaal, taasina waxay keeni kartaa in sharciyaddii iyo aqoonsigii lagala noqdo. Waxaa kale oo dhici karta in cid allaale ciddii arrintaa ka dambaysa la maxamadeeyo, waayo marka qof qas wade loo aqoonsado waa lala xisaabtamayaa.” ayuu ku dooday.

Halkan ka dhegeyso…

Hadalsame Media