AMISOM oo xilli bixitaankeeda la sugayey saldhigyo cusub samaysanaysa (Qorshe uu wado Abiy Ahmed)

0

(Jigjiga) 30 Luulyo 2020 – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku guuleystey dadaal uu ugu jiray in uu saldhigga cusub ka siiyo howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM gudaha Itoobiya gaar ahaan dhulka Soomaalidu degto waxa uuna ka helay magaalada jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida, sida ay daabacday Majaladda Africa Intelligence.com.

Saldhigaan ayaa AMISOM u fududayn doona howlgalkooda Soomaaliya sidoo kale waxaa laga difaaci doonaa amaanka gudaha dalka Itoobiya.

Jigjiga ayaa tababarada lagu siin doonaa ciidanka AMISOM ee ka qayb qaadanaya howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab ee Soomaaliya ku socda in ka badan 14 sano.

Ciidanka Itoobiya ee ka mid ah AMISOM ayaa ku sugan goboladda Soomaaliya ee xuduudka la wadaaga Itoobiya sida qaybo ka mid ah Hiiraan, Bay, Bakool, Gedo iyo Galgaduud waxaana mararka qaar xuduudka labada dal iskaga gudba ciidamo aan wadan calanka iyo astaanka cagaarka ah ee AMISOM.

Qorshahaan oo uu wado Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaan la ogayn sida ay u aqbali doonaan dhinacyada ay khusayso sida dowladaha AMISOM ciidanka ugu deeqay, Dowlada Faderaalka Soomaaliya, dhinacyada taageera Howl galka iyo Qaramada Midoobay.

Qorshaha bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya

16-kii February 2019-kii, taliyeyaasha milatari ee AMISOM waxay isla meel dhigeen arrimaha hawl gallada sida loo fulinayo iyada oo la raacayo xeerka hawl gallada ee 2018-2021, kaas oo la ansixiyey 26 November 2018-kii, isla markaana uu aqbalay Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, 9 February 2019-kii.

Sida uu dhigayo xeerka hawlgallada, AMISOM waxay wadi doontaa bixitaankeeda iyo ku wareejinta masuuliyada ciidamada Soomaaliya mudadaa la cayimay:

Akademiga milatari oo Muqdisho ku taala ayaa lagu wareejiyey Ciidamada dawlada federaalka ah 28 February 2019. Illaa 500 oo ah ciidamada Burundi oo halkaasi fadhiisin u ahayd ayaa meel kale loo raray. 200 oo ka mid ah waxa la geeyey Maslax oo 20km dhanka bari ka xigta Muqdisho iyo 300 oo Jowhar la geeyey iyo saldhigyada hawlgallada jiida hore ee qaybta 5-aad.

Bishii February 2019, qiyaastii 1,000 ciidamada Burundi ah oo fadhigoodu ahaa Hirshabeelle ayaa bilaabay bixitaankoodii qorshaysnaa taas oo waafaqsan shuruudaha ku yaalla faqrada 5-aad ee qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2431 (2018), bixitaankaa waxa la dhamaystiray 5 April 2019.

Isha: Radio Mustaqbal

Hadalsame Media