”Waxaa la gaarey xilligii lasoo celin lahaa Khilaafadii Cusmaaniyiinta!” – Wargays Turki ah oo dood kulul abuuray & Dowladda oo ka jawaabtey

0

(Ankara) 29 Luulyo 2020 – Wargays xiriir dhow la leh Dowladda Turkiga ayaa dood ka dhaliyey dalkaasi, kaddib markii uu bogga hore ku daabacay war sheegaya in la gaarey ”waqtigii ay Turkigu ku dhawaaqi lahaayeen soo noqoshadii Khilaafada” kaddib markii Hagia Sophia markale masjid loo rogey.

Gercek Hayat, oo ay leeyihiin kooxda dowladda u janjeerta ee Yeni Safak Media Group, ayaa soo daabacay calankii casaa ee Cusmaaniyiinta, isagoo raaciyey kabshan ku qoran Turkish, Carabi iyo Ingiriisi oo u dhigan: “Isugu imaada Khilaafada. Haddii aysan hadda ahayn, goorma? Haddii aysan adiga ahayn, waa kee?”

Gercek Hayat, oo ah warqaad u janjeera dhanka Islaamka, ayaa wuxuu leeyahay 10,000 oo subscribers. Balse waxaa warkiisa kasoo jawaabey afhayeenka xisbiga xukunka haya ee Cadaaladda iyo Horumarinta (AKP) Md Omer Celik.

“Jamhuuriyadda Tukigu waa dimoqraaddi, cilmaani ah iyo dowlad dadwayne oo uu sharcigu xukumo,” ayuu Celik soo tweet-gareeyey, isagoo xiganaya Qodobka 1-aad ee Dastuurka Turkiga.

“Ma aha in la sameeyo aragti siyaasadeed oo khalad ah oo ku aaddan taliska siyaasadeed ee Turkiga. Jamhuuriyaddeennu waa tufaaxii indheheenna. Aragtiyaha dadka qaybinaya ee ka socda baraha bulshadu kuma jiraan ajendaha Turkiga.“ ayuu daba dhigay.

Hadalsame Media