”Gobolka oo dhan saldhig kama samaysan kartid” – Itoobiya oo ka hor timid saldhig ay Masar ku yeelato Bariga Afrika

0
(Addis Ababa) 29 Luulyo 2020 – Itoobiya ayaa Masar uga digtey inay Bariga Afrika guud ahaan ku yeelato saldhig ciidan oo keeni kara halis amaan oo gobolka ku faafta, wax loo arko war daba socda kulan ay wefdi Masaari ihi ku tageen magaalada Hargaysa oo ay kula kulmeen MW Somaliland, Muuse Biixi.
“Masar waa u xor inay la xiriirto dalkii ay doonto oo gobolka ku yaalla. Balse haddii uu xiriirkaasi looga dan leeyahay in lagu dhibo dal 3-aad ma noqon doonto mid habboon isla markaana halis ku ah amaanka gobolka, insaaniyadda iyo nabadda caalamka,” ayuu ka digey afahyeenka Wasaarad Dibadeedka Itoobiya, Ambassador Dina Mufti, oo la hadlay Nation.
Itoobiya oo Somalia ku wajahaysa tibixda istaraatijiga ah ee loo yaqaanno ”joogtaynta xaaladda jirta” ayaa sheegtay inay xiriir wanaagsan la leedahay dersaanteeda oo ay ku jirto Somaliland.
Weli lama oga inay Somaliland Masar ka aqbashay hindisaha saldhigga, balse labada dhan ayaa la sheegay inay ku heshiiyaan inay wakiillo is dhaafsadaan Hargaysa iyo Qaahira.
Waxaa markaa kaddib Hargaysa tegey wefdi ka socda DF Itoobiya oo ay hoggaaminayaan Wasiirka Maaliyadda, Ahmed Shide, iyo rag kale, balse Danjire Mufti ayaa beeniyey in wefdigaasi uu halkaa u tegey walaac la xiriira Masar.
Si kastaba, dalalka Itoobiya, Masar iyo Suudaan ayaa ku fashilmay inay heshiis kama dambayn ah ka gaaraan biya xireenka Grand Renaissance Dam iyo buuxinta kayd-biyoodkiisa, iyadoo ay weli xiisadi ka taagan tahay.

Hadalsame Media