DAAWO: Iiraan oo samaysay wax u eg maraakiibta dayuuradaha xambaara ee Maraykanka kaddibna cirka kasoo duqaysay!

0

(Tehraan) 29 Luulyo 2020 – Xiisadda Maraykanka iyo Iiraan ayaa cirka sii laalaysa, kaddib markii ay Tehraan samaysay dhoollatus ay ku samaysay markab ay ku mitaashey kuwa dayuuradaha xambaara ee Maraykanka, kaasoo ay deeto cirka kasoo duqaysay.

Ciidamada Ilaalada Jamhuuriga (IRGC) ayaa sameeyey dhoollatus la magac baxay ”Nabiga Wayn”, kaasoo ay shalaytoole ka qayb galeen dhamaan laamaha ciidamada, laguna qabtay gobolka Hormozgan iyo marinka Hormuus.

Markabkan ayaa lagu misaalay maraakiibta loo yaqaan Nimitz-class oo ah ilaa 10 markab oo ku shaqeeya awoodda nukliyeerka, oo ay dayuurado macmal ihi saaran yihiin, ayaa waxaa dusha kasoo duqaysay dayuurad helakabtar ah, waxaana ku dul degey ciidamado Komaandoos ah, halka ay ku wareegaalaysanayeen saxiimadaha dheereeya ee dagaalka.

Waxaa dhoollatuska ka qayb ahaa gantaallo la ridayey waxaana sidoo kale sawirro dhanka cirka ka qaadayey Dayax-gacmeedka Nuur ee ay dhowaan gantey dowladda Iiraan, kaasoo ay leedahay Maxar Technologies, sida lagu faafiyey Associated Press.

 


Hadalsame Media