Ma aha in aan iska indha tirno inay Somalia ku jirto ”MAXMIYAD” ay iyadu iska saari karto!!

0

(Hadalsame) 28 Luulyo 2020 – Waxaa jirta arrin aynnu badankeennu og nahay laakiin aynnaan qirin. Soomaaliya oo Soomaalilaand la gu daray wax ay ku jirtaa wisaayada ama ilaalinta bulshada caalamka.

Run ahaantii amniga, dhaqaalaha, maamulka iyo isku haynta qabiilooyinka waxaa si buuxda u ga masuul ah dunida, innaguna arrimahaa wax aynnu yeelno mooyee waxba ku ma kordhinno.

Ilaalinta dunida la’aanteed ma jireen wax maamul u eg oo maanta dhulka Soomaalida ka jiri lahaa. Inteenna taa ogi haddii aynnu kas isu moogaysiinno, duniduna ismoogaynta ayay innala rabtaa, waayo carruurtu si ay u dhiirrato wax aad adigu u samaysay baa la gu ammaanaa oo loo tusaa in ay iyagu sameeyeen.

Sidaa darteed, talooyinka dunida ka imanaya in muran la galiyaa waa garaad xumo. Soomaalilaand dawladnimo iyo nadaam waxaa u gu dambaysay maalintii Budhcadda Qabyaalaadeed si ay doorashada u boobto tidhi u ma baahnin in dunidu doorashada na la maamusho.

In wisaayada la ga baxo oo loo gudbo madaxbannaani iyo dawladnimo buuxdaa waa talo Soomaalida u taal.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd-yuusuf

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qofka ku saxiixan

Hadalsame Media

Facebook Comments