”Ha illoobin inaad gurigayga joogto!” – MBS oo si bahdil ah u canaantay MW Yaman & gardarro uu ku haysto

0

(Muqdisho) 28 Luulyo 2020 – Dhaxal sugaha Sucuudiga, Mohammed bin Salman ayaa walaac ka muujiyey isla markaana sidii ciyaal ugu qayliyey MW dibed joogga ah ee Yaman, Abd Rabbuh Mansour Hadi oo diiddan dowladda cusub ee Yaman laga dhisi rabo ee uu Imaaraadku dhoodhoobayo, sida ku qoran Yemen Net.

Ilo is qarinaya ayaa sheegay in Hadi uu waydiistey inuu la kulmo Boqor Salmaan si loosoo afjaro saamaynta Imaaraadku ku leeyahay dalka Yaman, yeelkeede, waxaa warqad canaan ah usoo qoray MBS, oo u sheegay inuusan illoobin taageerada Sucuudiga iyo Imaaraadka.

“Haka tillaabsanin maqaamkaaga oo ah nin dalkan deggan,” ayuu ku bilaabay Mohammed bin Salman warqadda uu u qoray Hadi.

“Boqor Salmaan wuxuu la xaalayaa arrimo aad uga muhiimsan cabashada Hadi. Hadi iyo dowladdiisu waa inay la macaamilaan Imaaraadka oo ah jaal muhim ah oo ku jira dagaalka Yaman, waana inaadan si furan u cambaarayn faragelinta sharciga ah ee uu ku samaynayo Yaman,” ayay u akhrismaysaa warqaddu.

Waxay kale oo ay warqaddu “waydiisatey MW Yaman iyo saraakiisha sare ee dowladdiisa inaysan saxaafadda la wadaagin caradooda ku aaddan doorka uu Imaaraadku ku leeyahay Yaman, isla markaana ay aqbalaan in la dhiso gole maamul oo KMG ah isagaana ay la xiriiraan”, sida ay warbixintu sheegeyso.

Ninka sidaa bahdilka ah loola hadlayo waa Madaxwaynaha dalka laga hadlayo, halka dalka lagu canaananayo inuusan juuq ka dhihi karin oo ay ”faragelintiisu sharciyad wadato” uu yahay Imaaraadka oo xitaa ka shaqaynaya inuu kala jaro Madaxwaynahan dalkiisa, marka laga soo tago dagaal sababay xaalad aadninimo tii ugu xumayd sanadahan dambe oo dalkaa ka taagan kaddib dagaal ay muddo 5 sano ah halkaa ka wadaan dalalkani.

Dowladda Sucuudiga ayaa dhanka kale, beri dhowayd hoteelladii ay deganaayeen ka cayrisey saraakiisha Dowladda Yaman, iyadoo sheegtay inaysan bixin karin kharashaadkooda.

Hadalsame Media