Dal la rumaysan yahay inuu wax ogaa ridistii Khayrre oo cambaaraynta ka mid noqday (Sida ay khalad u tahay in la yaraysto walaaca Beesha Caalamka)

0

(Muqdisho) 28 Luulyo 2020 – Waxaa markii hore hadlay Maraykanka, kaddibna Midowga Yurub waxaa raacay dalka Sweden, kuwaasoo isku wada raacay walaac ay ka qabaan sida ay haatan wax u socdaan iyo in loo baahan yahay in lagu dhaqaaqo wax la isku waafaqsan yahay.

”Waa wax laga shallaayo tillaabada ay qaadeen Madaxwaynaha & Guddoonka Baarlamanku” – ayuu yiri Maraykanka oo sidoo kale ku gooddiyey inuu tillaabo ka qaadayo wax uu ku sheegay ”qas wadayaasha”.

“In yarna lama ixtiraamin Dastuurkii aan maalgelinney!” – ayuu isna maalintii xigtey uga koobiyey Midowga Yurub oo dhaliilay qaabkii loo maray cod qaadistii Baarlamanka, iyagoo ku abaal sheegtay geeddi socodka dowlad dhisidda dalka.

”Isku-day kasta oo ka yimaada hal dhinac oo ka mid ah saamilleyda oo isku daya inuu keligiis dadka kale ku khasbo noocyo doorasho wuxuu noqon doonaa mid aan sharciyad lahayn lamana dhaqan gelin karo haddii uusan helin taageerada lagama maarmaanka ah ee saamilleyda kale.” ayay yiraahdeen ku dhowaad 30 dal iyo urur ku sugan magaalada Muqdisho oo ka dhigan dalalka haatan daneeya arrimaha Somalia.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Sweden, Ann Linde, ayaa iyaduna shalay sheegtay inay walaac ka muujinayso xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan isbedelka siyaasadeed ee ka dhacay dalka, kaddib go’aankii ka soo baxay xildhibaanada Golaha Shacabka ee xilka looga qaaday RW Khayrre. Sweden waa dalka 2-aad ee deeqda ugu badan ku bixiya Somalia, gaar ahaan dhismaha mugga hay’adaha dowladeed ee dalka.

DF Somalia ayaa waxan oo dhan iska dhega marinaysa iyadoo kulan ay yeesheen Golaha Wasiirrada la riday oo qabsoomay maalin kaddib is casilaaddii Wasiirka Koowaad laga soo saaray war digniin ah oo ku jeedda Beesha Caalamka oo la xusuusiyey ”inay ixtiraamaan madax bannaanida Somalia.”

Beesha Caalamku dabcan ma aha cidda ay toos uga go’do talada dalka Somalia, balse misna waa doorle muhim ah oo aan la yaraysan karin gaar ahaan marka ay gar ku joogaan, haddii la jejebiyo waxaa DF ilaaliya Ciidanka AMISOM oo 100% ku tiirsan kaalmada Midowga Yurub, Maraykanka iyo QM. Tusaale, lacagta lagu qabanayo doorashada lafteeda waxaa bixiya dalalkan.

Sidaa darteed, qabka maran ee Soomaalida qaar oo ku doodaya ”in aysan dalka xukumin Beesha Caalamku”, sharci ahaan waa saxan yihiin, balse farsamo ahaan waa khaldan yihiin, waayo nin aan calooshiisa ka adkayn go’aankiisa uma madax bannaana.

Dhanka kale, waxaa sidaa ku xiran fal-celinta dalalka caalamka oo ay ka mid tahay Qadar oo la rumaysan yahay in ay tillaabada dhacday wax ka ogayd, ha yeeshee, hadda isku dartay safka walaacsan, sidoo kale, dhinacyada siyaasadda sida mucaaradka iyo maamullada ayaa laftooda la fahamsan yahay in ay arrintan oo ay u badan tahay inay wax ka ogaayeen ay misna si kale uga faa’iidaysanaayn.

Isku soo wada duuboo tillaabadii deg degta badnayd ee uu qaaday Baarlamanka oo ay hubban tahay inaysan la dhacsanayn Beesha Caalamku, ayaa haddii aan si xeeladaysan oo la isku waafaqsan yahay looga dabaalan waxay dalka gayaysiin kartaa dib u dhac iyo hubaal la’aan hor leh.

Hadalsame Media