DAAWO: Turkiga oo sameeyey daroon nooc cusub ah & meel muhim ah oo uu uga duwan yahay daroonnada kale

0

(Ankara) 28 Luulyo 2020 – Alesta, waa daroon cusub (UAV) oo ay farsamaysay sharikadda Turkiga ah ee Nurol BAE Systems Air Systems Inc. (BNA), waxaana mar dhow lagu qalabaynaa Ciidamada Amaanka Turkiga marka uu ka boxo tijaabada koowaad oo uu iminka ku jiro.

Daroonka Alesta ayaa leh muuqaallo gaar ah sida inuu joog ama qumaati u kici karo una degi karo (VTOL), sida uu Eray Gökalp u sheegay Anadolu Agency (AA), kaasoo sheegay inay 4 sano diyaarinayeen.

Gökalp ayaa sheegay in marka uu daroonkan Alesta uu kici rabo ay marawaxadihiisu jiif isu rogayaan, balse marka uu hawada jibaabayo ay joog isu rogayaan, taasoo ka dhigan inuu u kici karo joog iyo jiif intaba.

Alesta ayaan sidoo kale u baahnayn dhabbe laga gano ama uu kusoo dego, wuxuuna qaab jibaax ah u duuli karaa muddo dheer isagoo gaari kara masaafooyin fog.

Turkiga ayaa horay u sameeyey 3 nooc oo daroonno ah oo uu ka mid yahay Bayraktar TB2 kuwaasoo wacdaro ka dhigay Syria, Iraq iyo Libya.

 

Hadalsame Media