Sababta ugu wayn ee keentay in ay Xildhibaanno sidaa u badani ka codeeyeen Raysal Wasaarihii hore

0

(Muqdisho) 26 Luulyo 2020 – Waxaa shalay si mad madoow badan oo khilaafsan isla qodobka 69-aad ee uu daliishadey Guddoonka Baarlamanku, xilkii looga qaaday RW hore ee dalka, Xasan Cali Khayrre, taasoo uu markiiba sheegay inuu aqbalay MW Farmaajo oo deeto qaaday dhowr tillaabo oo u muuqdey kuwi sii qorshaysnaa oo is xigey.

Waxaa shalay xilli dambe oo uu Muqdisho soo gaarey tillaabadaa sharci darro ku tilmaamay Md Khayrre, isagoo sheegay inuu dalka iyo dadka dartood u tanaasulayo.

HADDABA HALKEE LAGA GALAY KHAYRRE? Horta marka hore Khayrre waa la kediyey ama  la gaaday marka la keeno qaabka ay arrintani u dhacday, waayo cidna ma filaynin mooshin noocan ah tiiyoo aanu xitaa ajendaha ku jirin wax mooshin la yiraahdaa, marka taasi waxay sahashey in arrinta loo boobsiiyo qaab sharci darro ah oo qaflad ama af-gembi oo kale ah.

Marka 2-aad, dad badan ayaa la yaabay inay 170 xildhibaan ka codeeyaan, laakiin waxaa jirta arrin kale oo MW & GB u sahashey inay Xildhibaannadan dumaan, taasoo ah arrin sheekadan oo dhan u asal ah oo ah muddo kororsi, taasoo aanu Xildhibaannada u haynin Khayrre oo saamayn badan ku leh Baarlamanka maadaama ay ku jiraan wasiirro badan, balse isagu qabey in doorashadu xilligeeda ku dhacdo, taasoo aysan dan u arkaynin Xildhibaannadu.

Sidaa darteed, waxaa la oran karaa waxaa Khayrre looga adkaaday moowqifka uu istaagey oo aysan dan badan ka dhex arkin Xildhibaannadu, sidaa darteed, dan-wadaagnimo qaab shil ah ku dhalatay ayaa dhexmartay Xildhibaannada iyo MW + GB.

Si kastaba, arrintan ayaa si wayn u sumcad iyo qiyam dilaysa ragga sameeyey, halka ay foos wanaagsan siinayso ninka la qallibey.

Hadalsame Media

Facebook Comments