RASMI: Hormuud oo war kasoo saartay sababta uu u go’ay khadka internet-ka Muqdisho

0

(Muqdisho) 26 Luulyo 2020 – Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa war rasmi ah kasoo saartay cillada ku dhacday internet-ka Muqdisho, oo haatan qayb ahaan soo noqday.

”Waxaan ka xunnahay in aan kula wadaagno in adeegeenii Internet-ku goáy maanta 10:00 barqanimo,” ayay ku bilaabeen.

”Baaritaan hordhac ah oo aan samaynay wuxuu sheegayaa in cilladu ay timid ka dib markii dabaylo xoogbadan ay sababeen in Badwaynta Hindiya ay kacdo, arrintaas oo saamayn ku yeelatay xarigii Internet-ka keenayay.” ayay daba dhigeen.

Yeelkeede, Netblocks oo la socota ama cabbirta sida ay u shaqeeyaan khadadka internet-ka ayaa horay u sheegtay in ”baaris iyo lafa-gur hordhac ah oo ay samaysay Netblocks ayaa muujinaya in aanu jirin shil, kaybal go’ay ama cillad lala xiriirinayo arrintan oo aad u dhaawacaysa ganacsiyada iyo adeegyada daruuriga ah, maadaama 97% ay dadka Muqdisho adeegadaan lacag danabeed. Waxaan sidoo kale abid horay Somalia uga dhicin internet go’ay ilaa heerkan.”

Arrintan ayaa farta ku godeeysa DF Somalia oo lagu eedeeynayo inay iyadu khadka jartay.

Hadalsame Media