RASMI: DF Somalia oo xaqiijisay inay Muqdisho saaka bilaa KHAD tahay & sababta oo ay sheegtay

0

(Muqdisho) 26 Luulyo 2020 – DF Somalia ayaa xaqiijisay in ay Muqdisho maanta khad la’aan tahay sida ku cad war haatan kasoo baxay wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Tiknolojiyadda Somalia.

”Shirkadda Dalkom, oo maamusha xarigga internetka ee soo gaara magaalada Muqdisho, ayaa u xaqiijisay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada in ay cillad ku timid adeegga internetka ee ay bixiyaan,” ayaa lagu yiri war rasmi ah oo kasoo baxay.

”Shirkaddu waxay xaqiijisay inay ku hawlan tahay sidii ay u ogaan lahayd sababta keentay go’itaanka internetka, isla markaana si degdeg ah wax looga qaban lahaa.

”Dhowaan waxaa la filayaa inay Muqdisho soo gaaraan xarko kale, kuwaas oo wax ka tari doona inuusan internetka kala go’in marka ay cillad ku timaaddo hal shirkad.” ayay daba dhigeen.

Warar kale oo iminka soo baxaya ayaa iyaguna sheegaya in maanta aan gebi ahaanba dibedda laga soo wici karin telefoonnada koonfurta Somalia oo dhan.

Hadalsame Media