Maxaa ka jiri kara inay wax isla OGYIHIIN MW Farmaajo & Khayrre? (3 qodob oo qish na siinaya)

0

(Muqdisho) 26 Luulyo 2020 – Waxaa shalay si mad madoow badan oo khilaafsan isla qodobka 69-aad ee uu daliishadey Guddoonka Baarlamanku, xilkii looga qaaday RW hore ee dalka, Xasan Cali Khayrre, taasoo uu markiiba sheegay inuu aqbalay MW Farmaajo oo deeto qaaday dhowr tillaabo oo usii qorshaysnaa.

Waxaa shalay xilli dambe oo uu Muqdisho soo gaarey tillaabadaa ”sharci darro” ku tilmaamay Md Khayrre,  yeelkeede, wuxuu sheegay inuu dalka iyo dadka dartood u tanaasulayo, si uu tusaale fiican ugu noqdo madaxda kale ee kuraasida isku dhejinaysa.

HADDABA MIYAY IS OGYIHIIN FARMAAJO & KHAYRRE? Waxaannu addinka ka qooraansanaynaa dhanka 2 dhacdo iyo mid kasoo dhex baxaysa oo wax nooga sheegi kara jiritaanka iyo jiritaan la’aanta arrintaasi:

1 – Sida ay u dhacday cod u qaadistii RW hore ee Baarlamanka oo lagu guul darraystay in xitaa si toos ah looga dhawaaqo gudaha Baarlamanka, kaddib markii ay kedo ku noqotay qaar badan oo Xildhibaannada Khayrre ku dhow ka mid ah; Qishka aannu halkan ka qaadan karnaa wuxuu yahay, in haddii ay Khayyre iyo Farmaajo arrintan isla ogyihiin ay ugu yaraan ka warqabi lahaayeen ragga aadka ugu dhow.

2 – Qoraal kabshan ahaan dusha sare uga qornaa war ay Al Jazeera ka qortay ”xil ka qaadista” Khayrre oo u qornaa qaab sumcad dil ah, iyada oo la iftiimiyey waxyaabo aan micne u samaynayn arrinta dhacda sida inuu laba baasaboor haysto iyo inuu xiriir la leeyahay Som Oil iwm. AJ waxaa iska leh dowladda Qadar oo ay is wataan Fahad Yaasiin oo la rumaysan yahay inuu yahay ninka turubka u baandheeya MW Farmaajo. Marka haddii la isla ogyahay sidaa looguma fogaadeen.

3 – Qodobkani waa midka ugu daran waa se arrin aysan dad badani ku baraarugsanayn. Qaabka xilka looga qaaday iyo sababaha loogu qiil samaystay ee sharciga dhinac marsani waxay qiyam iyo sumcad dil toos ah ku yihiin Madaxwaynaha iyo Guddoonka Baarlamanka, sidoo kale waxay taageero hor leh iyo sumcad dhis u noqonaysaa RW hore oo si sharaf leh xilkii uga tegey, isagoo aan sababin is mari waa iyo muran waqti badan qaata ama dhib kale horseeda, kaddib markii uu carrabka ku adkeeyey khaladka dhacay iyo qorshaha ka dambeeya ee muddo kororsiga, sida uu yiri.

Sidaa darteed, haddii lasoo qaato aragtida inay wax isla og yihiin, waxaan meesha iman lahayn in la qaado tillaabo sumcad dil ku noqonaysa Madaxwaynaha, balse taa biddaalkeeda, waxaa la maamin lahaa qaab kale oo lagu wada guulaysan karo (Win-win) sida inuu RW is casilo iwm, waayo maadaama uu Madaxwaynuhu weli han siyaasadeed leeyahay sida tillaabooyinkiisa ka muuqata Khayrre kama yeeleen arrin uu isagu ku sumcad beelayo.

Waxaa dheer, in aan la hubin inuu muddo kororsiga waxan oo dhan loo sameeyey uu shaqayn doono iyo in kale, taasoo noqonaysa in ragga Wasiirkii Koowaad tuuray ay ilkohoodii uun muujiyeen iyadoo aanu jirin cad la qaniino. Sidaa darteed, tanina waa qishka 3-aad ee noo sheegi kara in qayb ahaan meesha laga saari karo inaysan waxba heshiis ku ahayn, markii ay arrintani dhacaysey, waqtigaase macallin ah.

Tifaftirka

Hadalsame Media