Khayrre oo maanta markale shir guddoominaya kulan ay yeelanayaan Golihiisii Wasiirada & ujeedka

0

(Muqdisho) 26 Luulyo 2020 – RW Somalia, Xasan C Khayrre ayaa farriin uu xalay saq dhexe u kala diray Golihiisii Wasiirrada, taasoo uu ugu sheegayo inuu maanta dhacayo kulan aan caadi ahayn, kaasoo ay uga arrinsanayaan tillaabada xigta.

Kulankan ayaa dhacaya maalintii 1-aad oo aanu Khayrre Wasiir Koowaad ahayn tan iyo markii uu xilkaasi la wareegey oo haatan laga joogo 3 sanadood iyo 6 bilood.

Farriinta loo kala diray ayaa u dhignayd sidatan:

“Dhammaan Xubnaha Golaha Wasiirrada, waxa lagu war-gelinayaa in berrito oo Axad ah 26/07/2020, Saacadda 10:00 am aad ka soo qayb-gashaan shir aan caadi ahayn oo ka dhacaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waana in aad waqtiga dhowrtaan.”

Ujeedka kulankan ayaa lagu sheegay in uu doonayo inuu Wasiirrada kala dardaarmo inay si wanaagsan u wareejiyaan amaanada ay umadda u hayaan, maadaama ay wasaaraduhu la dhacayaan Xukuumaddiisii la qallibey.

Hadalsame Media