”Hannaga tago!” – Jamciyadda Jaadlayda Kenya oo si wayn ugu faraxday is casilaadda Xasan Cali Khayrre (Sabab ay sheegeen)

0

(Nairobi) 26 Luulyo 2020 – Iskaashatada Ganacsatada Khaadka Miiroo-ga Kenya ee Nyambene Miraa Trade Association ayaa muujisay inay aad ugu farxeen xil ka qaadistii Ra’iisul Wasaarihii Somaali ee Xasan Cali Khayrre.

Ujeedka ayay ku sheegeen inay bil walba khasaarayeen lacag dhan $5 milyan oo doollar laga soo bilaabo Maarso 2020, taasoo ah lacag ay canshuur ahaan ugu bixiyeen Jaadka ay Muqdisho soo degsato.

”Markaas baad hoggaan wanaagsan ka hadlayaa!” ayay warkooda daba dhigeen, iyaga oo soo wadaagey war ku saabsan is casilaadda Xasan Cali Khayrre.

Jaadka ayaa ka mid ah waxyaabaha ay Kenya sanadkii malaayiin doollar uga hesho Somalia oo aan wax heshiis ganacsi oo Somalia u danaynaya aan kula jirin Kenya, isla markaana lacag adag soo siisata Jaadka oo ah nooc darooga ka mid ah, qoysas badani u isu khifaan una burburaan, carruur badanina u qadaan, si uu waalidkood u qayilo.

Xukuumadda Somalia ayaa hakad gelisey Jaadka iyadoo dhowr mar dib loo celiyey dayuurado Jaad sida oo ay ku jirtey mid lagu soo qariyey Jawaanno Jaad ah balse lagu qariyey dayuurad rakaab sidda.

Hadalsame Media