“In yarna lama ixtiraamin Dastuurkii aan maalgelinney!” – Midowga Yurub oo dhaliilay qaabkii xilka looga qaaday Khayrre (Maxay ballan qaadeen?)

0

(Muqdisho) 26 Luulyo 2020 – Midowga Yurub ayaa ka dayriyey arrintii ay shalay ku dhaqaaqeen Golaha Shacabka oo ay ku tilmaameen mid dib u celinaysa horumarka Somalia oo ay sheegeen inuu ku xiran wadar-ogol iyo wada shaqayn ka timaada dhanka madaxda sare.

“Hab-raaca loo maray mooshinka kalsoonida loogala noqday Wasiirka Koowaad in yarna kama waafaqsana Dastuurka,” ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka.

“Nasiib darro, arrimaha ka dhacay Golaha Shacabka Soomaaliya Sabtidii waxay dib u dhac ku yihiin Soomaaliya, iyo kalsoonidii Midowga Yurub uu ku qabay horumarka Soomaaliya,” waxaa sidaas bayaan uu soo saaray ku yiri Wakiilka Sare iyo madaxweyne ku-xigeenka Midowga Yurub Josep Borrell.

Waxay dureen waqtiyeynta codayntan oo kusoo beegmay kaddib kulankii aadka loo sugayey ee DF iyo Maamullada oo uu raaci lahaa shir dhacaya 15-ka Agoosto, sida ay u dhigeen.

“Ficilladani waxay xambaarsan yihiin xushmad darro baahsan oo lagu sameeyey asaasiyaadka Dastuurka, oo ay MY hanti badan ku bixinayeen.” ayaa la daba dhigay.

MY ayaa ballan qaaday inay isha u bir yarayn doonaan sida ay arrintani ku dhamaato iyo cidda qaadayaa mas’uuliyadda, sidoo kale xadka ay arrintani Somalia ka weecan doonto horumarkii ay samayneysey ee ay kula jaalka ahayd beesha iyo saaxiibbada caalamka.

 

Hadalsame Media

Facebook Comments