Duufaan ku dhufatay Muqdisho & baddii oo soo gashay Dekedda Muqdisho + Sawirro

0

(Muqdisho) 26 Luulyo 2020 – Waxaa lasoo sheegayaa inay saaka dabaylo darani ka jiraan xeebaha Somalia, gaar ahaan koonfurta.

Waxaan helaynaa warar ku saabsan in meelaha ay dabayluhu ku dhufteen ay ka mid tahay magaalada Muqdisho, waxaana la arki karayaa Dekedda Wayn ee magaalada Muqdisho oo ay soo galeen kuna soo fataheen biyaha baddu.

Arrintan ayaa lagu sheegay midda sababtay inuu go’o khadkii kaybal-badeedka (Fibre Optic) ee uu soo marayey internet-ka magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee koonfureed.

Waxaa la sheegayaa inay go’an yihiin telefoonnada dibedda ee wacaya gudaha meelo badan oo ka tirsan koonfurta Somalia, welina lama faahfaahin taas, waloow lala xiriirinayo inay salka ku hayso khadka go’an ee internet-ka oo offline ka dhigay Muqdisho iyo meelo kale.

Hadalsame Media