DAAWO: Aragtida shacabka Muqdisho ay ka qabaan mooshinkii lagu ”bixiyey” Xasan C Khayrre.

0

(Muqdisho) 26 Luulyo 2020 – Waxaa shalay si mad madoow badan oo khilaafsan isla qodobka 69-aad ee uu daliishadey Guddoonka Baarlamanku, xilkii looga qaaday RW hore ee dalka, Xasan Cali Khayrre, taasoo uu markiiba sheegay inuu aqbalay MW Farmaajo oo deeto qaaday dhowr tillaabo oo usii qorshaysnaa.

Haddaba, shacabwaynaha magaalada Muqdisho ayaa ka ra’yi dhiibtey sida ay u arkaan qaabka xilka looga qaaday RW hore ee dalka oo isaguu casar liiqii ku dhawaaqay inuu si kastaba is casilayo.

Arrintan ayaa dalka oo awalba ku jirey xaalad kala guur ah wuxuu sii geliyey hubaal la’aan siyaasadeed oo ay hagayaan hoggaan aan la saadaalin karin waxa ka suuragalka ah iyadoo ay taladu gebi dhaclaynayso.

Dadwaynaha ayaa saluugey qaabka loo maray xil ka qaadista, aragtida ah muddada la sheegayo in lagu qabanayo doorasho qof iyo cod ah iyo muddo kororsiga la hadal hayo.

Halkan hoose ka DAAWO warbixin ay ka diyaarisay idaacadda Dalsan.

Hadalsame Media