Baarlamanka Puntland oo laalay heshiis caalami ah oo uu maamulkaasi lacag ku heli jirey (Madaxtooyadu ma ogolayd?)

0

(Garoowe) 26 Luulyo 2020 – Mudanayaasha Baarlamanka Puntland ayaa meel mariyey sharci baabi’inaya dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa xabsiyada Puntland, gaar ahaan xabsiga wayn ee Garoowe, kuwaasoo ay horay u xukumeen maxkamado dalal shisheeye ah oo ku helay burcad-badeednimo.

Arrintan ayaa maalmihii ugu dambeeyey laga doodayey, waxaana maanta dhacay kulan ay fadhiyeen 37 Xildhibaan, waxaana heshiiskii maxaabiistani ku xirnaayeen ka codeeyey 33 Xildhibaan, halka ay taageereen 3 mudane, midna uu ka aamusay.

Baarlamaan-goboleedka Puntland ayaa haatan magacaabay guddi farsamo oo ka shaqaynaya qaabaynta sii daynta dhallinyaradan, iyadoo la sheegayo in Xildhibaannada ku dhow Madaxtooyada maamulkaasi ay arrintan diidanaayeen, waloow aragtidaa la isku khilaafsan yahay.

Maamulka Puntland ayaa mashruuca ay dhallinyaradani ugu xiran yihiin xabsigan dhaqaale uga heli jirtey Howlgalka caalamiga ah ee lagu sheego mid la dagaallamaya burcad badeedda.

Hadalsame Media