MW Masar oo ku dhaqaaqay tillaabo uu ku dhufaanayo awoodda al-Azhar (Dar al-Ifta oo uu kala wareegayo & walaac laga muujiyey)

0
Al-Azhar Mosque Facts | Al Azhar Mosque History | Al Azhar Mosque Cairo | Egypt Tours Portal

(Qaahira) 24 Luulyo 2020 – Baarlamanka aan awoodda lahayn ee Masar iyo hay’adda al-Azhar, oo ah fadhiga diimeed ee ugu sarreeya dalka Masar ayaa qoorta isugu jira, kaddib markii ay Baarlamanku meel mariyeen hindise cusub oo Azhar ka xayuubinaya awoodda ay ku maamusho Dar al-Ifta.

Baarlamanka ayaa sharciga meel mariyey 19-kii Luulyo, wuxuuna deeto u gudbiyey Golaha Garsoorka oo eegaya kahor inta aan dib loogu soo celin oo aan sharci ahaan loo meel marin, taasoo ah sida ay arrintu u badan tahay.

Wuxuu sharcigani Dar al-Ifta, oo ah hay’adda maareeysa arrin maalmeedka Muslimiinta ee dhanka diinta, uu toos u hoos gaynayaa Dowladda Masar.

Maamulka Dar al-Ifta ayaa markaa loo samaynayaa miisaaniyad u gaar ah iyada oo laga daynayo canshuurta.

Yeelkeede, waxaa u talinaya MW Abdel Fattah el-Sisi oo yeelanaya awoodda magacaabista Muftiga hay’addaasi markii ugu horreeysey taariikhda.

Sida xeerkan qabyada ah ku cad, waxaa lasoo xulayaa 3 musharrax oo ay saarayaan Golaha Sare ee Culumada, oo ah kuwa go’aanka u gaara al-Azhar ee magacaabi jirey Muftiga wayn markii hore, balse waxaa markan midka uu doonayo ka qaadanaya Madaxwaynaha.

al-Azhar ayaa arrintan diiddan, waayo haddii hay’ddan laga wareejiyo wax ay gacan ku haysaa ma jiraan, sidoo kale, waxay aftida diineed iska noqon doontaa wax ay saamayso dowladda dalkaasi.

“Xeerkani wuxuu si qoto dheer ugu tumanayaa madax bannaanida al-Azhar. Dar al-Ifta waa inay kasii tirsanaataa al-Azhar oo aysan noqon hay’ad ku lid ah,” ayuu yiri Mohamed al-Duweini, oo ka mid ah Golaha Culimada Sare.

Hadalsame Media