DAAWO: Laba miig oo Maraykan ah oo hab-dhaqaaq halis ah ku sameeyey dayuurad rakaab ah (Iiraan oo aad u carootey & dhaawac jira)

0

(Bayruut) 24 Luulyo 2020 – Laba miig oo ay Maraykanku leeyihiin ayaa la sheegay inay aad ugu soo dhowaadeed dayuurad rakaab ah oo Iiraani ah, iyaga samaynaya hab-dhaqaaqyo halis ah, taasoo keentay in dayuuradda rakaabka ah oo iyaga ka culusi ay mar qura bedesho jooggii ay ku duulaysey, si ay uga fogaato inay miigagga isku dhacaan, sida ay werinayso saxaafadda Iiraan.

Muuqaal lasoo dhigay wakaaladda Iiraan ee IRIB ayaa muujinaya dayuurad laga arkayo daaqadda iyo qof rakaab ah oo wejiga ka dhiigaya, kaasoo uu dhibku soo gaarey markii ay dayuuraddu mar qura hoobad sameeysay, kaasoo xitaa keeni kara inuu xakamuhu ka lumo dayuuradda oo xilligaa mareeysey hawada Suuriya.

IRIB ayaa markii hore arrintan ku eedeeysay Israel, balse markii dambe wuxuu duuliyaha 1-aad sheegay inay ahaayeen laba miig oo isku sheegay inay Maraykan yihiin, wuxuuna sheegay inay ku wargeliyeen inay u jirsadaan masaafo amaan ah.

Reuters ayaa sheegtay in Mahan Air duullimaadkeedii 1152 – oo u kala socdey min Tehran ilaa Beirut ay si bed qab ah uga degtey caasimadda Lubnaan oo ay rakaabka u waddey. Waxaa la sheegay inay dhowr qof qabeen dhaawacyo sahlan.

Wakaaladda Wararka Iiraan ayaa saraakiil dalkaa ah kasoo xigatey inay qaadayaan tillaabo kasta oo sharci ah, si arrintan loogu qabto cidda ka dambaysey, mase jiro war kasoo baxay Maraykanka iyo Yuhuudda Israel.

Hadalsame Media