”Ujeedku waa in la dhoco hantida Astaan TV!” – Maxay tahay sababta ka dambeeysa xiritaanka Milkiilaha Astaan? (Maamulka Somaliland oo sameeyey wax ay ka xishoodeen hoggaamiye kooxeedyadii)

0

(Hargaysa) 24 Luulyo 2020 – War Saxaafadeed rasmi ah oo uu soo saaray Axmed Maxamed Jaamac, ayaa wuxuu rumaynayaa war horay loo hadal hayey oo ahaa in Agaasimaha Guud ee Astaan Cable, Cabdimannaan Yuusuf Maxamed, loo xirey arrin ku saabsan saami khasab ah oo laga rabo Astaan Cable oo ah TV Muqdisho lagu aasaasay.

Wuxuu sheegay in Cabdimannaan culays lagu saaray inuu baabi’iyo saamiga Jaamac, si sharikadda looga dhigo mid ay 100% koonfurtu leedahay ”kaddibna xooleheeda loo dhoco”, sida uu yiri Jaamac.

Wuxuu sheegay in kaddib markii taa lagu guulaysan waayey xabsiga loo taxaabay Cabdimannaan oo hadda isaga oo aan cidna wax dembi ah ka gelin muddo 7-aad ah ku xiran xabsi ku yaalla Hargaysa, iyadoo ay arrimahan ka dambeeyaan dad doonaya inay shaqo noocan ah ka samaystaan halkaasi.

Waxaa horay albaabada loogu laabay hilinkii Universal TV, kaasoo kaliya qiil looga dhigay inuu baahin waayey ”khudbadda Madaxwaynaha”, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta oo aan arrintaa laba gabbanin, waloow aan TV madax bannaan xaq loogu lahayn in lagu khasbo baahinta barnaamij aanu isagu ka raalli ahayn, marka la eego xeerarka madax bannaanida safaaradda iyo xorriyyada is muujinta.

Arrimahan iyo xabsiyada la geliyo dad aragti uun loo xiro, ayaa shaki gelinaya halka ay ka shaqeeyo dimoqraadiyadda iyo nidaamka furan oo aan ogolaanayn tillaabooyinka noocan ah.

Sida warka Jaamac ka muuqata maamulka Somaliland ayaa ku fashilmay inuu abuuro jawi hal-abuur iyo tartan ganacsi oo hufan isla markaana furan, maadaama ay dunidu ku hormarto in la dhiiri geliyo qofkii keena aragti ganacsi oo guulaysanaysa, qofkii ku qabsadana loo ishaaro inuu mid kale keensado, halkii aragti qof keenay xoog lagu raadin lahaa.

Arrintan gurracan ayaa sidoo kale xumayn karta isu socodka ganacsiga Soomaalida, iyadoo aanay waxan oo kale dhici jirin xitaa waagii hoggaamiye kooxeedyada.

Hadalsame Media