Sucuudiga oo 10 luuqadood ku tebinaya Maalinta Carrafaat (Af Soomaaligu maku jiraa?)

0

(Maka) 23 Luulyo 2020 – Maalinta Carrafaat ayaa lagu tebin doonaa ilaa 10 luuqadood si farriinta loo gaarsiiyo dunida Muslimka, sida uu sheegay Sheikh Abdul Rahman Al-Sudais, Madaxa Hay’adda Maamusha Labada Xaramayn, oo saxaafadda kala hadlay qorshaha Xajkan.

Al-Sudais ayaa sheegay in luuqadaha lagu faafinayo wacdiga Maalinta Carrafaat oo horay u ahaa 5 luuqadood iminka laga kordhin doono oo 10 la gaarsiinayo.

Wuxuu caddeeyey inay 10-ka luuqadood ay kala noqon doonaan: English, Malay, Urdu, Persian, French, Chinese, Turkish, Russian, Hausa iyo Bengali. Waxaa Afrika uga jirta luuqadda Hausa, waxaana ka maqan luuqadda loo arko midda Afrika ee Sawaaxiliga, sidoo kale Soomaaliga ayaan ku jirin.

Waxaa luuqadahan lagala socon doonaan wacdiga iyo ducooyinka Maalinta Carrafaat iyo xitaa Minaaraadaha labada Xaramayn.

Al-Sudais ayaa sheegay in mashruucan oo uu ku tilmaamay midka dunida ugu ballaaran ay fulinayaan sanadkii 3-aad oo xiriir ah.

Hadalsame Media