”Ka baxa hotteellada qaaliga ah” – Sucuudiga oo bahdil xun kula kacay saraakiisha sare ee Dowladda Yaman (Turkiga oo u sabab ah)

0

(Riyaad) 23 Luulyo 2020 – Isbahaysiga Sucuudiga ayaa xannibaad kusoo rogey saraakiisha dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Yaman ee MW Abd Rabbuh Mansur Hadi, sida ay sheegayso Yemen Press Agency.

Warku wuxuu sheegayaa in la xadidey saraakiisha dowladda ee ka baxaysa ama soo geleeysa Yaman, si looga hor istaago shaki jira oo ah inay Dowladda Hadi isbahaysi qarsoodi ah samaysanayso oo u kala safarto Cadan, Turkey iyo Qadar, kaddib markii ay sii xoogaysteen warar sheegaya inay Ankara doonayso inay saamayn xooggan ku yeelato Yaman.

Saxaafadda uu Imaaraadku taageero ayaa qortay eedo ku saabsan in uu Turkigu sidoo kale taageerayo xisbiga Islaaxa, oo loo arko qayb kasoo go’day Ikhwaanul Muslimiinka, waloow ay kooxdani arrintaa inkireen.

Yeelkeede, Sucuudiga iyo saaxiibadii ayuu shakigu kusii kordhay kaddib markii ay maqleen inuu Turkigu hoggaaminayo ololaha CTF-151 ee ku sugan xeebta Gacanka Cadmeed.

Bishan horraanteedii Sucuudiga ayaa la sheegayaa inuu bilaabay inuu hoteello qaali ahaa ka cayriyo saraakiisha Dowladda Hadi, iyadoo bishii Maajo si toos ah loogu wargeliyey inay banneeyaan hoteellada qaaliga ah maadaama aanay boqortooyadu hadda kaddib bixin karin kharashaadkaasi, waxaana la dejiyey guryo rakhiis ah oo kiro ah.

Isbahaysiga Sucuudiga ayaa u muuqda mid aan wax qorshe ah u haynin dalka Yaman oo ay burburiyeen, tusaale ahaan, Sucuudiga iyo Imaaraadka oo ah kuwa ugu muhiimsan isbahaysigaasi waxay kala taageeraan kooxo is diiddan oo ay qaar go’itaan doonayaan, halka uu Sucuudigu bahdilayo dowladda Hadi oo ahayd middii uu sheegayey inuu taageerayo si ay dalka Yaman u wada xukunto.

Hadalsame Media