”Itoobiya oo nac nac ula orodday Somaliland!” – Hargaysa oo mar qar qura 3 dal ka wada XANAAJISEY!

0

(Hargaysa) 23 Luulyo 2020 – Waxaa Hargaysa tegey wefdi uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Md Ahmed Shidd, todobaad uun kaddib markii ay Somaliland qaabishey wefdi ka socdey dalka Masar, taasoo aan sida muuqata u qurqursamin Itoobiya oo ay Qaahira isku khilaafsan yihiin qoondada biyaha Niilka.

Somaliland oo markii hore la sheegay inay saldhig ciidan kala hadashay Masar, ayaa markii dambe liifadda codka gaabisay, iyada oo arrintii u bedeshey inay dhexdhexaadin ka samaynayso muranka labada dal, sida uu sheegay Wasiir Xigeenka Dibedda Somaliland, Liban Youssouf Osman.

Itoobiya ayaa muhiimad wayn u leh Somaliland oo ay sidoo kale iskula jiraan jaalnimada DP World ee Dekedda Berbera, iyaga oo kala leh saamiyo isu dhow oo 19 iyo 30% kala ah, halka ay 51% qaadatay.

Yeelkeede, Somaliland ayaa dareensan in Itoobiya ay haatan u xaglinayso dhanka DF Somalia, gaar ahaan wada hadallada DF iyo Somaliland, sidaa darteed, ayay Somaliland u samaysay xiriirka Masar oo ka xanaajiyey Itoobiya, kaasoo uu kasii horreeyey mid kale oo ay kaga caraysiisey Shiinaha oo aan ogolayn in Taiwan lala macaamilo iyo DF oo aan ogolayn in Somaliland sidii dal loola xaalo.

“Masar waxay door laxaad leh ka qaadan kartaa aqoonsi caalami ah oo ay Somaliland hesho waayo waa dal wayn oo Afrika iyo Jaamacadda Carabta saamayn ku leh,” ayuu yiri Liban Youssouf Osman

Sidaa darteed, waxay Itoobiya wefdigan Hargaysa ugu dirtay inay muujiso inay iyadu tahay cidda saamaynta ugu wayn iyo danaha dhow ay kala dhexeeyaan Somaliland oo ka tirsan Gobolka Geeska Afrika oo ah meesha ugu xiisaha badan dunida maanta oo ay dalal badani ku qalboobtamayaan.

Waxaa warkan lagu qoray wargayska Busiweek

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media