”Dab haku ciyaarin!” – Turkiga oo digniin toos ah u diray Masar oo sheegtay inay ciidamo u dirayso Libya

0

(Ankara) 23 Luulyo 2020 – Turkiga iyo Ruushka ayaa shalay isku raacay xabad joojin ka hir gasha dalka ay dagaalladu la degeen ee Libya, balse Ankara ayaa soo jeedisey in meesha laga saaro Jeneraal Khaliifa Xaftar oo ay soo jeediyeen inuu ka boxo degaanno muhim ah, sida uu sheegay La taliye sare oo dhanka amaanka u ah MW Recep Tayyip Erdogan oo la yiraahdo, Ibrahim Kalin, oo war siiyey Reuters.

Moscow iyo Ankara ayaa ka mid ah awoodaha ku lugta leh dagaalka Libya iyagoo weliba kala taageersan dhinacyada is dilaya, sida Ruushka oo la jira ciidamada LNA ee Benghazi iyo Turkiga oo caawiya kuwa GNA ee dowladda Tripoli.

“Balse si ay xabbad joojintu u hirgasho waa inay ciidamada Xaftar banneeyaan Jufra iyo Sirte,” ayuu dalbaday Kalin.

Kalin ayaa sidoo kale ka digey tillaabo kasta oo ay Masar ciidamo kusoo gelinayso Libya, taasoo uu ku sheegay ”tacabbur halis ah oo ay u bareereyso Qaahira”, sida uu yiri.

Baarlamanka Masar ayaa maalin dhowayd u codeeyey in Ciidamada Masar dibedda loo diri karo si ay u difaacaan danaha qoowmiga ah ee dalkaasi.

Hadalsame Media