Booqashada Masar wax maku kordhinaysaa Somaliland? Dhab se maka tahay inay la macaamisho Hargaysa? (Xog-warran qoto dheer)

0

(Hadalsame) 23 Luulyo 2020 – Booqashada askarta Masar maxay ku kordhinaysaa Hargeysa?

Masar waa dalka kowaad dunida ee u heegan ilaalinta midnimada Soomaalida, shalay, maanta iyo berriba. Taariikhda iyo taaganta labadaba taasi waa ay ku cad dahay.

Ixsaan iyo wanaag ay Soomaalida la rabto ma aha ee laba danood oo masiiri ah baa Masar ka galay Soomaalida. Ta hore waa loollanka ay la lee dahay Itoobbiya ee la xidhiidha biyaha Niil, qadiyaddaas oo maanta meesha u gu xun maraysa.

Ta labaadna waa durkinta iyo ilaalinta soohdinta Koonfureed ee qoomiyadda Carabta, taas oo Soomaalidu tahay jiidda hore iyo istiraatijiyadda Afrikada Bari.

Jaamacadda As’har iskuulladii ay ilaa sannadihii 1950-nadii dhulka Soomaalida ka furanaysay, ilaa ay sannadihii 1980-nadii wada gaadhay gobollada oo dhan, wax ay ahaayeen Carabaynta Soomaalida iyo durkinta Carabnimada, ilaa Soomaaliya xubin buuxda ka noqotay Ururka Jaamacadda Carabta iyada oo 100% Af Soomaali ku hadasha, taas oo ahayd qiso yaab leh.

Haddaba Masar maanta wax ay u baahnayd in ay gurato midhihii ay dhulka Soomaalida ku beeratay ilaa 1952. Wax ay u baahnayd Soomaali xooggan oo Carabaysan oo Masar ku xidhan oo Itoobbiya ka ridi karta qalalaase weyn, ilaa dhismaha biyaxdheenku fashilmo haddii uu dhismana kharaabo. Laakiin midhahaa waa ay ka wayday, mana jirto maanta Soomaali awood leh ama sideedaba u heellan fulinta danta Masar.

Taasi haba joogtee dawladda itaalka daran ee Xamar ka dhisani wax ay qaadatay mowqif dhiirran oo ay Itoobbiyada cusub ka ga dooratay Masartii gabowday. Waa isbeddel Masar qalbijab ku noqday. Tabtaas oo kale ayay u gu hungowday Soodaan, Erateriya iyo Jabbuuti saddexdaba. Masar wax ay eedday waaga cusub ee Geeska Afrika ka beryay iyo iskaashiga bulshooyinkan qarniyada badan khilaafku curyaamiyay.

Masar inta ay qar iska tuurnimo samayso, oo sharciga dunida iyo dawladda Soomaaliya ee ay aqoonsan tahay labadaba ka dul booddo, ciidan Itoobiya la dagaallama ma keeni kartaa Soomaalilaand?

Maya, waa mustaxiil. Masar sideedaba maanta ma laha awood millateri iyo mid dhaqaale oo suuragalin kara in ay dhulal shisheeye ciidamo u rarto oo ka dagaallanto. Sidaa darteed booqashada quusta ah ee askarta Masar Hargeysa ku timid waa canaan Soomaaliya ku jeedda wax macne ah oo kalena yeelan mayso.

Waa canaan quus ah iyo ruxruxasho ay ku tijaabinayso mowqifka dawladda Xamar. Intaa ma dhaafsana. Waayo xitaa haddii ay maanta maamulka Farmaajo isdiiddan yihiin weli labadii danood ee fogaa ee ay Soomaalida ka lahayd waa joogto, waana ay sii wadaysaa.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd-yuusuf

Hadalsame Media