Shirka Dhuusamareeb ma waxaa kasoo baxay 8 qodob mise hal qodob? (Bal u kuurgal)

0

(Dhuusamareeb) 22 Luulyo 2020 – Waxaa haatan War Saxaafadeed rasmi ah laga soo saaray shirka Dhuusamareeb ee dhexsanayey madaxda DF iyo kuwa Maamullada dalka.

Yeelkeede, waxaa War Saxaafadeedka soo baxay oo ka kooban ilaa 8 qodob ugu muhiimsan, marka laga soo tago inay muujiyeen bisayl ay ku wada hadli karaan, waloow aanba loo baahnayn in arrintan laga wada hadlayo lafteeda khilaaf la geliyo, kuwa ku saabsan arrimihii la isku hayey, gaar ahaan qodobka 4-aad oo u dhigan sidatan:

”Madaxdu waxay isla meel dhigeen inay dalka ka dhacdo doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda oo lagu wada qanacsan yahay.”

Inta kale waa uun reer Galmudug oo mar kale la isla gartay inay marti geliyaan Dhuusamareeb 3 iyo sida hufan ee ay shirka u marti geliyeen oo aad loogu amaanay iyo dabcan qodobbadii kale ee guud sida wada shaqaynta iyo qaan cafinta.

Sidaa darteed, shirka waxa kasoo baxay waxaa ugu muhiimsan halkaa qodob oo sheegaya jihada loo socdo iyo qalfoofta waxa xiga, waloow aan weli waxba lagu heshiin.

Hadalsame Media

Facebook Comments