Turkiga oo isaga oo 13 dal hoggaaminaya maraakiib dagaal soo dhoobay xeebaha Somalia (Ujeedka)

0

(Hadalsame) 21 Luulyo 2020 – Turkiga ayaa la wareegaya hoggaanka Ciidamada Isku Dhafka ah ee Joint Task Force CTF-151 ee sheega inay burcad badeedda kula dagaallamayaan Gacanka Cadmeed iyo xeebaha ka baxsan Somalia ee Badwaynta Somalia ( Indian Ocean), sida lagu faafiyey Wakaaladda Anadolu.

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa war ay hadda soo saartay ku sheegtay inay iyadu la wareegayso taliska oo ay haynayso ilaa 10-ka bisha Diseembar ee dabayaaqada sanadkan, iyada oo uu howlgalku bilowday 25-kii Juun.

Waxaa ciidamada ay Turkigu hoggaaminayaan oo ka kooban 13 curiye ay ka kala socdaan Maraykanka, Brazil, Bahrain, Britain, Japan, South Korea, Kuwait, Pakistan iyo Oman, iyadoo uu Turkigu maraakiib nooca frigate-yada ah usoo direeyso Gacanka Cadmeed bisha Sebtembar.

Ciidamada Badda Turkiga ayaa qayb ka ahaa Ciidamada ka qayb gala la dagaallanka burcad badeedda ee gobolka joogey ilaa 2009-kii, iyaga oo 5 jeer qabtay hoggaankooda.

Ciidamadan oo la asaasay Febraayo 2002-dii ayaa ka kooban dalal fara badan, waxaana loo sameeyey inay sugaan amaanka Badda Cas, Gacanka, Gacanka Cadmeed, Jasiirad u ekaha Carbeed iyo Badwaynta Hindiya, yeelkeede, waxba kama qabtaan kalluumaysiga sharci darrada ah ee ka soconaya biyaha Somalia.

Ciidamada gaarka ah ee komaandooska berri biyoodka ah (SAT) ee Turkiga oo ku degaya markabka dagaal ee TCG Gaziantep intii lagu jirey dhoollatus badeed ay ka sameeyeen Antalya, Turkey 28-kii Febraayo 2019.

Hadalsame Media