RASMI: Macallin Stefano Pioli oo qandaraaska loo kordhiyey (Shuruud la socota)

0

(Milano) 22 Luulyo 2020 – Kooxda AC Milan ayaa xaqiijisay inaysan soo wadin Ralf Rangnick balse ay taa biddaalkeeda qandaraaska u kordhinayaan macallin Stefano Pioli oo kooxda ku xirnaan doona ilaa 2022-ka, sida kooxda kasoo baxday.

“AC Milan waxay ku dhawaaqaysaa inay Stefano Pioli la gaartey qandaraas 2 sanadood oo dheeraad ah loogu kordhinayo heshiiskiisa, kaasoo dhacaya Juun 2022.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay kooxda.

Kooxda Rossoneri ayaa warkan soo saartay isla markii la afuuray seerigii ciyaar dhamaadka kulan ay hadda dhow 2-1 uga soo adkaadeen kooxda dhibka badan ee Sassuolo.

Warkan ayaa imanaya saacado uun kaddib markuu uu macallin Rangnick laftiisu xaqiijiyey inuusan wax door ah ka qaban doonin AC Milan.

Arrinta ninka Jarmanka ah ayaa muran ka dhex oogtey maamulka Milan, waxaana sheekadiisa darteed loo eryey Zvonimir Boban, oo dood ka keenay inuu Agaasimaha Guud ee kooxda ee Ivan Gazidis uu kaligii ninkaa iskala xiriirey.

Waxaa Pioli, oo kooxda bishii Oktoobar kala wareegey Marco Giampaolo uu wacdaro lasoo baxay kaddib hakadkii karoonaha, isagoo badiyey 7 kulan, 2 jeerna barbarro galay, mar qurana aan laga badin, iyadoo ay si shaac ah u taageereen laacibiin ay ka mid yihiin Hakan Calhanoglu iyo Zlatan Ibrahimovic.

Sida ku qoran Corriere della Sera, waxaa qandaraaska Pioli ku xiran shuruud ah in la fasaqayo si otomaatig ah haddii aanu kooxda usoo saarin Champions League.

Hadalsame Media