Halkee ka xumaaday xiriirkii taariikhiga ahaa ee Masar iyo Soomaaliya oo gebi dhaclaynaya? (Ma ogtahay inay guuto Soomaali ah oo madaafiicda goobta ihi….)

0

(Hadalsame) 21 Luulyo 2020 – Xiisadda sii kordheysa ee Masar iyo Itoobiya ayaa ku xeeran mustaqbalka cilaaqaadka Masar iyo Soomaaliya, sababta oo ah tan dambe oo aan caddeyn mowqifka ay ka taagan tahay Soomaaliya biyo-xireenka Abbaay.

Soomaaliya waxay muujisay jahwareer ku saabsan laba qaraar oo  ay Jaamacadda Carabtu ka soo saartay arrinta biyo-xireenka, taas oo dhalisay caro ka dhacday warbaahinta Carabta, gaar ahaan warbaahinta Masar.

Cinwaanno aflagaaddo loogu gaysanayo dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ayaa lagu arkay warbaahinta bulshada. Kuwa badan waxa ay la gaartay in ay soo jeediyaan, masaafuris laga musaafuriyo waddamada Khaliijka dadka Soomaaliya ka soo jeeda, sababtu waa mowqifka ay ka qaadatay arrinta Niilka iyo tan Liibiyaba.

Xiriirka ka dhexeeya Masar iyo Soomaaliya waxa uu jiray illaa iyo 1960-meeyadii kahor, heer ay gaarto isku tiirsanaanta siyaasadeed ee labada dal  oo gaarey qaab mataannenimo. Runtii, Soomaaliya waxay Masar la lahayd xiriir taariikhi ah oo diblomaasiyad iyo iskaashi ah, tusaale ahaan, Soomaaliya waxa ay Masar garab is taagtay heshiiskii nabadda ee Camp David ee ay la gashay Israaiil sannadkii 1978-kii.

Dagaalkii Oktobar 1973-kii, waxaa ciidanka Masaarida ku weheliyay Guuto ciidamado Soomaaliyeed ah oo dhanka madaafiicda goobta ahayd, taasina waxay iftiimisay xoogga xiriirka labada waddan.

Diblomaasigii Masar ee Kamaal El-Din Saalax, oo ahaa wakiilka UN-ka ee Soomaaliya ayaa ilaa hadda looga mahad celinayaa taageeradiisii midnimada Soomaaliya; waxaa Muqdisho ku dilay daba-dhilifyadii gumeystihii Talyaaniga 1957-kii. Masaaridu waa dalka carbeed ee kaliya si hagar la’aan ah u caawiyey Soomaaliya intii uu socday dagaalkii 1977-kii, dhanka hubka iyo tababarrada ciidanka intaba.

Si kastaba ha noqotee, cilaaqaadkaas adagi dhab ahaan horumar ma aysan sameynin waayadaan dambe, MW Cabdifitaax al-Siisi oo ka fadhiistay siyaasadda dibadda ee Masartii saamaynta lahayd, ayaa wuxuu hadda u arkaa Soomaaliya inay ku xiran tahay siyaasadda gobolka ee Itoobiya, gaar ahaan marka laga eego dhanka dekedaha iyo ammaanka.

Labada dal waxay sidoo kale leeyihiin heshiisyo dhaqaale iyo kuwa amni, sidaasi oo ay tahay, Soomaaliya waxaa ku saamayn badan Itoobiya, taasoo doorka Masar ee Geeska Afrika ka dhigaysa mid aad u hooseeya, marka loo fiiriyo dalal kale ee Carbeed iyo quwadaha caalamiga ah.

Mowqifka adag ee Itoobiya ee ku wajahan biyo-xireenka ” Abbaay”, iyo Masar oo hollinaysa inay iyadu kirada ka qaaddo guri ay iyadu ijaar ku deggan tahay ayaa yareynaya fursad ay labada dhinac ku gaaraan heshiis rasmi ah.

La soco qayb kale…..

Waxaa Diyaariyey: Ismaaciil Fanax

U gaar ah

Hadalsame Media