DAAWO: Jabhad aad u hubaysan oo ay madowgu leeyihiin oo kasoo baxday Maraykanka & hadaf wayn oo ay higsanayaan + Sawirro

0

(Stone Mountain, GA) 21 Luulyo 2020 – NFAC, kooxda maasgaraysan, waa malliishiyaad ay samaysteen dadka madowga ah ee Maraykanku, waxayna socod ku mareen jirdiinooyin ku yaalla gobolka Georgia, iyagoo weliba higsanaya hami ah inay yeeshaan dal u gaar ah qaranka madow ee Maraykanka.

Kooxda NFAC oo magacooda laga soo gaabiyey ”Not F*cking Around Coalition” ama ”Isbahaysiga aan Kaftamin” ayaa aad looga hadal hayaa baraha bulshada, iyadoo ay aad uga xumaadeen kooxda cunsuriga ah ee Ku Klux Klan oo aad ugu xooggan degmada Stone Mountain ee gobolka Georgia ee ay kooxdani kasoo baxday, iyagoo si aad ah u hubaysan.

Yeelkeede, wax badan lagama yaqaanno kooxdan, xilliga la sameeyey iyo tirada malliishiyaadkeeda.

Waxaase hadlay ninka abuuray NFAC isla markaana hoggaamiye ee Grand Master Jay (magaca runta ah John Fitzgerald Johnson) oo waraysi siiyey RT.

“Waxaan u jirnaa inaan ilaallino beesha madowga ah, taasoo weerarro lagu hayo. Ma jirto cid ilaalinaysa carruurta, haweenka iyo ragga madow ee Maraykanka. Waxa NFAC sameeyayna waa arxan darrada booliiska kasii daraysa, cadaalad darrada sinjiga iyo nidaamka garsoorka,” ayuu yiri.

“Inteenna badani waxaan nahay millateri hore oo ay dishibiliin leeyihiin. Inta badan saxaafaddu sooma duwdo muuqaalkeenna waayo madow hubaysan waxaa marka ay arkaan cabsi darteed la jaraynaya cunsuriyiiinta Maraykanka,” ayuu raaciyey, isagoo sheegi diidey goorta la sameeyey jabhaddan.

“Ujeedkaygu waa inaan gobol aan leennahay ka helno Maraykanka si aan dal uga dhiganno ama Afrika u qulqulno si aan ugu yeelanno dal aan leennahay oo QM ka tirsan. Waayo waxaan nahay 45m oo dal kale ku dhex nool. Waxaan rabnaa dhul dhan 100m oo dhan walba ah oo aan kaabayaal ka dhisanno.” ayuu sheegay isagoo tilmaamay inuu xiriir fiican la leeyahay madaxda Afrika qaarkood.

Asaasaha iyo hoggaamiyaha NFAC

Hadalsame Media