AMAANTA U QALAN: Madaxwaynaha Aljeeriya manna CAAYEY mise waa na CARAADIYEY?!

0

(Aljeeris) 21 Luulyo 2020 – MW Algeria ee Abdelmajid Tebboune ayaa daboolka ka qaaday in dalkiisu uu hindise xal keen ah u hayo xaaladda cakiran ee Libya, iyada oo ay iskaashanayaan dalka Tunisia, isagoo warkan sheegay jeer uu waraysi siinayey saxaafadda maxalliga ah, sida ay faafisay Wakaaladda Anadolu Agency.

“Hindisaha aannu wadno oo ay raalli ka tahay QM waa mid ay ka wada shaqaynayaan Algeria-Tunisia, rajo wayn baana ka qabaa inuu miro dhalo.” ayuu ku dooday, kahor inta aanu markale tusaale xun usoo qaadanin Somalia.

“Waxaan 24-kii saacadood ee hore maqlayey warar sheegaya in la hubeeynayo qabaa’ilka Libya si ay isu difaacaan, taasi waa halis wayn, waxaana ka dhalanaya senaariyo cusub oo sida Somalia ah oo aan xal lahayn.” ayuu ka digey.

Arrintan ayay saxaafadda Soomaalida qaarkeed iyo shacabkuba la boodeen, iyagoo ku tilmaamay ”gef” loo gaystey Somalia, yeelkeede, MW Algeria ma sheegin hal kalaam oo xaaraan ah, balse wuxuu sheegay waxa jira oo qura, welibana waxaanba u qaadan karnaa inuu na caraadiyey oo ay tahay inuu warkiisu na geliyo inaan tusaale fiican noqonno, taasoo toosnaan iyo isbeddel ballaaran u baahan.

Somalia oo 40 + sano muran lagu sheegay mid siyaasadeed, balse si dhaba loo eego ah iska noqonaya kubad dhagax ku dhisan aragti loo ekaysiiyey mid reereed, balse uu woxoogaa rooti ah ku raadiyo mid siyaasi lagu sheegay oo ay reerkii oo ba’ay daba socdaan ayaa maanta Dhuusamareeb muran la fadhida, iyada oo ay kuwa kalena bannaanka ka qaylinayaan, kuwanina ka caga jiidayaan inay ceebtaa caalamka Somalia u martay dalka ka dhaqaan.

Marka ha eedin ninkii runta kuu sheegay e, haddii aad amaan doonayso u qalan oo istaahil.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media