Akhri sababta ay Somalia uga shaqeeyso ”siyaasad geel” ee aanay uga jirin ”siyaasaddii dadku”

0

(Hadalsame) 21 Luulyo 2020 – Waxaa beri dhowayd mar qura is qabsaday qaylo iyo sawaxan ku aaddan metelaadda Gobolka ugu dadka badan Somalia ee Banaadir, kaasoo ay ku nool yihiin ku dhowaad 1/4 ka mid ah dadka Jamhuuriyaddu.

Waxaa dadkii hadlay amaba ilaa hadda doodda ka qaba metelaaddaasi ka mid ah Axmed Madoobe oo si rasmi ah uga taliya 2 degmo oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ee Somalia.

Haddaba, waxaa labada nin is barbardhig kooban ku sameeyey weriye Maxamed Kaafi oo sidoo kale siyaasadda ka faallooda.

Mid wuxuu ka taliyaa magaalo ay 3.5m ku nool yihiin, bixisa canshuurta, dowladuna dagan tahay, amarkeedana ku shaqeeyaa!

Midna magaalo dad 100 kun (100k) ka yar ku nool yihiin ayuu xoog ku xukumaa, canshuurtu jeebkiisa ma soo dhaafto, dowladana lagama ogola, dowlad kale oo Somalia la xafiiltantana waa ka talisaa.

Kan dambe ma ogola kan hore in uu door ku yeesho jaan-goynta MASIIRKA siyaasadda ee dalka iyo xitaa inuu metelaad helo Gobolka uu xukumo!!!

Waa taas cadaallad darrada caqliga foorara dhalay ee qarniga 21-aad.

Waxaa Qoray: Maxamed Kaafi

Hadalsame Media

Facebook Comments