XOG: Itoobiya oo dhambaal canaan ah u dirtay Somaliland (Jawaab debecsan oo kasoo baxday Somaliland)

0

(Addis Ababa) 20 Luulyo 2020 – Wararka laga helayo ilo diblomaasiyadeed oo dhanka Itoobiya ah ayaa sheegaya in qoraal rasmi oo ka socda RW Itoobiya, Md Abiy Ahmed, gacanta laga saaray Madaxweynaha Somaliland, Md Muuse Biixi Cabdi.

Qoraakan ayaa Somaliland si cad loogu faahfaahiyey sida ay Addis Ababa uga xun tahay qorshaha ay kusoo dhoweeysey wefdi ka socdey dalka Masar, tillaabadaas oo ay tahay Itoobiya ku tilmaantay mid wax u dhimaysa heshiisyada amaan ee labada dhinac.

Itoobiya ayaa dhambaalka ku faahfaahisay dhibaatada ka dhalan karta arrintan iyada oo Somaliland laga sugayo jawaab rasmi ah oo qoraal ah, waxaana haddii ay ka gaabsato ay Itoobiya u fahmi kartaa in warkeeda la diidey oo aan muhiimad la siinin, taasoo xumayn karta xiriirka labada dhinac.

Itoobiya ayaa maamulka Somaliland waxay la leedahay xariirro dhanka amaanka ah, iyada oo sidoo kale Hargaysa ku leh qunsul rasmi ah. Waxay sidoo kale Itoobiya muhim u tahay mashruuca BERBERA CORIDOR oo ay tahay dalka 1-aad ee ay Somaliland doonayso inay wax kala degto dekeddaasi oo iminka loo dhisayo jid isku xira Berbera & Wajaale.

Sidaa darteed, bay dad u dhuun daloola arrimaha labada dhinac waxay tillaabada ay Somaliland Masar usoo dhoweeysey ku tilmaameen siyaasad qar iska tuurnimo ah oo aan aragti fogi ka dambayn, marka la eego saamaynta dhow ee ay arrintani yeelan karto.

Si kastaba, Liibaan Yuusuf Cismaan, Wasiir Xigeenka Arrimaha Dibedda Somaliland ayaa sharraxay in xiriirka cusub ee Masar uu yahay mid khuseeynaya dhinacyada ”dhaqaalaha iyo ganacsiga”, isla markaana aanu saamayn doonin midkii ay horay ula lahaayeen DF Itoobiya, oo iyadu xasaasiyad wayn ka muujinaysa xiriir xiligan dhexsada Somaliland iyo Masar. Warkan ayaan weli ahayn jawaab rasmi ah.

Hadalsame Media