XOG: Ciidamada Suudaan, Itoobiya, Somalia & Eritrea oo durba bilaabay inay wada shaqeeyaan (Meelaha ay kala joogaan)

0

(Casmara) 20 Luulyo 2020 – War lagu faafiyey Eritrean Press ayaa sheegaya in Abaanduulka Ciidamada Eritrea, Jeneraal Filipos W Yohannes uu Khartuum ku soo afjarayey heshiis ku saabsan ciidamo Eritrean oo iskugu jira lug iyo kuwo badeed oo lagu wado in la dejiyo Kassala iyo Port Sudan oo Sudan ah.

Kassala waxay 20 km u jirtaa xadka Eritrea iyo caasimadda gobolka Kassala ee bariga Sudan.

Taliyaha Ciidamada Badda Eritrea, Sarreeye Guud Hummed Ahmed Karikare iyo Sarreeye Guuto Abraha Kassa, Agaasimaha Amaanka Qaranka ayaa safarkan ku wehlinayey Jeneraal Filipos.

Waxaa la filayaa in sidoo kale ay qayb ka mid ah Ciidamada Badda Suudaan ay u guuri doonaan dhanka dekedda Casab ee Eritrea, si ay qayb uga noqdaan iskaashiga amaan iyo nabadeed ee Geeska Afrika, kaasoo ay Eritrea door laxaad leh ka qaadanayso, sida uu warku sheegayo.

Waxaa intaa dheer in 1800 askari oo Ethiopian ah iyo 2000 oo askari oo Somalia ka socda oo Eritrea lagu tababaray ay ku sugan yihiin caasimadda Eritrea ee Casmara, halka unugyada Komaandooska Eritrea qaarkood ay jiraan dhanka Itoobiya.

Wuxuu warku intaa raacinayaa in hoggaanka jabhadda Tigreega ee TPLF, Debretsion ‘ከበቡሽ’ Gebremichael, uu cabsi iyo walaac arrintan ka muujiyey, isagoo qabtay dhowr shir jaraa’id.

Yeelkeede, Casmara iyo Addis Ababa ayaan ilaa haatan wax war ah oo rasmi ah arrintan kasoo saarin, iyagoo aan faahfaahin iskaashigan ciidan iyo midka sirdoon ee la sheegayo.

Warkani weli ma hubbana, waloow aan la yaraysan karin maadaama uu kasoo baxayo dhanka Eritrea oo aan inta badan lagu aqoonin warar noocan ah oo bilowday tan iyo markii uu soo baxay RW Abiy Ahmed.

Hadalsame Media

Facebook Comments