Shirkii DF & maamul-goboleedyada oo furmay & waxyaabo la isla meel dhigay

0

(Dhuusmareeb) 20 Luulyo 2020 – Waxaa Aqalka Madaxtooyada Galmudug ee magaalada Dhuusmareeb ka furmay kulankii ugu horeeyey ee rasmi ah oo ay si wadajir ah u leeyihiin madaxda DF Somalia iyo Maamullada dalka, kaasoo hordhac u noqonayo midka looga arrinsanayo arrimaha doorashada madaxtinnimada.

Waxaa shirkan dhinacyada yeelanaya looga fadhiyaa inay isku raacaan moodalka doorasho ee la gelayo, iyadoo haddii ay taasi dhici waydo ay rajo xumo wajahayaan shacabka Soomaaliyeed, waloow la hadal hayo in ay kulamo kale dhici karaan, misna waqtiga ayaa aad u kooban.

Si kastaba se, dhinacyada ayaa muujinaya inay ugu yaraan wada hadli karaan, gaar ahaan dhanka xiriirka MW Farmaajo iyo maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Waxaa xalay kulmay MW Somalia, Md Farmaajo iyo madaxda Jubbaland & Puntland oo ah maamullada inta badan khilaafa DF ee aanay isku wanaagsanayn, waxaana lagu wadaa inuu kulan kale isla caawa dhexmaro dhinacyadan.

Dhanka kale, waxaa la sheegay in la isla meel dhigay in aan hadallo xiisad abuur ah ama xanaf leh aan warbaahinta iyo dadwaynaha lala wadaagin, si loo abuuro jawi xasilloon oo is faham keeni kara.

Waxaa kale oo shirka Dhuusamareeb maanta lagu wadaa in ay ku biiraan wefdi ka socda Gobolka Banaadir oo uu hoggaaminayo Guddoonka Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), si uu qayb uga noqdo shirka wada tashiga DF iyo Maamul-goboleedyada.

Hadalsame Media