Maxay sawirradani nooga sheegayaan xaaladda madaxdan marka la eego Cilmu-nafsiga?!! (Arag sawirrada & waxa ay noo sheegayaan)

0

(Dhuusamareeb) 20 Luulyo 2020 – Waxaa maanta Dhuusamareeb ka dhacay shir hordhac ahaa oo ay iskugu yimaadeen madaxda DF Somalia iyo kuwa maamullada dalka, kuwaasoo ay ay qaarkood dood ka qabaan moodalka doorasho ee 2021-ka iyo muddo kororsi dhaca.

Yeelkeede, waloow aan weli shirka biya dhiciisa la gaarin, woxoogaa rajo ahna la muujinayo, waxaa shirka kasoo baxay sawirro aan lagu farxin marka la eego dhinaca Saykolojjiyadda.

Waxaa mar qura ay sawirradu qabanayeen madaxda oo gacmaha oo xiran fikiraya ama fadhiya, haddaba maxay taasi caadiyan sheegaysaa.

Marka la eego daraasaad badan oo umuurahan laga sameeyey, wuxuu qofku gacmaha noocaas iskugu qabtaa marka uu cabsanayo, werwersan yahay, neerfoos yahay amaba uu isku celinayo dareen culus oo niyaddiisa ka guuxaya.

Waxay daraasaduhu sheegayaa in heerka dareenka qofka laga garan karo sida ay u debecsan yihiin ama u adag yihiin gacmaha uu isku hayo, dadka qaar ayaa kalsooni u fasirta, balse waa khalad taasi, waayo xitaa haddii uu qofku mar mar dhoollacadaynayo, waxaa jira wax uu qarinayo balse niyaddiisa holcinaya, haddiiba uu gacmaha qaabkaa iskugu qabto, marka la eego cilmu nafsiga, gaar ahaan marka uu qofku wada xaajood ku jiro.

Sida ay qabaan khubarada Nierenberg iyo Calero, waxay gacmaha sidan isu saarani muujinayaan caal waa, iyada oo uu qofku sidan yeelo marka uu dareensan yahay inuu qofka kale ra’yigiisa marsiin la’yahay iyo xitaa inuu wada xaajoodka ku guuldarraysanayo oo laga sito.

FG: Waa waxa uu cilmi nafsigu qabo, balse Alle ayaa xaqiiqada og

Hadalsame Media