”Ila MURAN!” – Haweeney saaxiibkeed toogatey kaddib markii uu diidey inuu…..(Lacag badan oo la siinayo qofkii soo sheega & lambarrada)

0

(Shreveport) 20 Luulyo 2020 – Booliiska ayaa baadi goobaya haweeney ku eedaysan inay saaxiibeed toogatey kaasoo ay uga tagtay isaga oo ku sugan xaalad daran, kaddib markii uu ka diidey inuu la murmo.

Waxaa barwo xiritaan ah loo jaray, Jenalisha Lawrence, 29-jir, taasoo ku eedeeysan dil heerka 2-aad ah, kaasoo ka dhacay xaafadda Caddo Heights ee Shreveport, gaar ahaan baloogga 1400 ee Grigsby Street ee gobolka Louisiana ee Maraykanka.

Saraakiisha Booliiska Shreveport PD ayaa sheegay in loo qayla dhaamiyey markii ay goobta soo gaareenna ay arkeen ninka oo 34-jir ah oo yaalla marshabiyeediga laamiga isaga oo qaba dhaawac rasaaseed.

Waxaana loola orday isbitaalka Ochsner LSU Health Shreveport isagoo ku sugan xaalad halis ah, waxaana kiiskiisa weli loo arkaa mid noloshiisu halis ku jirto, sida ay sheegeen KXAN.

Haweenayda ayaa markiiba goobta uga baxsatay Honda Accord cagaaran iyadoo la sheegay inay laba cinwaan ku leedahay Shreveport balse waxaa loo badinayaa inay u baxsatay dhanka magaalada Dallas, Texas oo ay kasoo jeeddo.

Waxaa qofkii wacaalkeeda keena faraha laga saarayaa $150,000 oo doollar.

Booliiska kala xiriir; 318-673-7300 option #3. Qofkii doonaya inuusan isi sheegin wuxuu wacayaa Shreveport Caddo Crime Stoppers oo laga helayo 318-673-7373 ama app-kooda P3Tips

Hadalsame Media

Facebook Comments